Skip to content

Meeleynta meelgaarka ah

Haddii ilmuhu uusan amni ku aheyn guriga ama nafsadiisa halis ku yahay, xaaladana aan si kale wax looga qaban karin., daryeelka ilmaha, barbaarintooda iyo kobocooda waxaa lagu badbaadiyaa kumeeleyn ku meelgaar ah. Ku meeleyntuna suurogal inaan loola jeedin la wareegid.

""

Daryeelka ku meelgaarka ah waa la weerigis, si degdeg ah loogu meeleeyey ama ay gudiga cadaaladda si ku meelgaar ah u xukmiyeen in daryeelkii iyo kobcintii ilmaha u qabanqaabiyeen meel aan aheyn guriiisa.

Haddii ilmuhu khatar ku sugan yaha,y degdegayaa meeleynta meelgaarka loo sameeyaa

Markii xaalad aad u adag timaato ilmaha ama qoyskoo dhan waa lagu meeleyn karaa wakhti gaaban guriga meel ka baxsan ee.  waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan. Ku meeleynteeduna qasab ma aha. Taas ayaa lagu magacaabaa.

Degdega  ku meeleyn had iyo goor waa mid ku meelgaar ah. Waxayna ku imaan kartaa tusaale, haddii waalidku ay aad u mukhaadaraadaysan yihiin oo aanay awoodin inay ilmahooda daryeelaan, ama haddii ilmaha keligii guriga lagaga tago wakhti dheer. Markaa waxaa suurogal ah in ilmihii nafsadiisa khatar geliyo tusaale inuu isticmaalo mukhaadaraad. Haddii ilmuhu khatar naftiisa ku yahay waa la sameyn karaa meeleynta deg-dega ah, xitaa haddii ilmaha iyo waalidkuba raali ka aheyn.

Shaqaalaha badbaadadda carruurta si baaxadeysan ayey xaq u leeyihiin iney go’aamiyan danaha ilmaha xiliga ku meeleynta meelgaarka ah. Si kastaba waxay wada shaqeyn joogta la yeelanayaan waalidka. Xaalada qoyska iyo caawimada ay u baahan yihiin waxaa la xaqiijinayaa xiliga ku meeleynta deg-dega. Hadafka la leeyahayna waa inuu ilmuhu ku laaban karo gurigiisa oo ay ka jiraan marxalado ammaan leh. Qofka ah shaqaalaha sooshalka ayaa qiimaynaya, in ku meeleyn isaga ayaana gaara go’aanka lagu joojinayo meelaynta. Haddii loo arko, in aanay nabadgelyo ku jirin, inuu ilmuhu gurigiisii ku noqdo, waxaa la bilaabi karaa in la diyaariyo la wareegidda caadiga ah.

La wareegistu waa xalka ugu danbeeya markii xal kale la waayo

La wareegiddu waxaa loola jeedaa, in ilmihii lagu daryeelayo meel aan aheyn gurigiisii. Waana dariiqada ugu denbeysa ee la yeelo, waxaana la sameeyaa hadday dhibaatooyinka jiraa aad iyo aad u waaweyn yihiin ama ay muddo dheer soo jireen. Sida caadiga ah waxyaabo badan baa soo dhacay la wareegidda ka hor, sidoo kale reerka iyo ilmahana leysku dayey in siyaabo kaloo badan lagu caawiyo.  Sharciga ayaa amraya, in ilmihii lala wareego, markii wax kaloo caawinaya jirin. Shaqaalaha dowladuna si kastaba waa iney wada shaqeyn la yeeshaan waalidka, shaqaaluhuna ma laha go’aanka caqiidada carruurta.

La wareegista waxaa lala diyaariyaa si wadajir ah qoyska

La wareegiddu waa borosees dheer oo sida caadiga ah si wadajir ah loola diyaariyo qoyska. Inta badan gaarista go’aanka la wareegista waxaa laga gaaraa iyadoo la fahansiiyey qoyskii iyo ilmihii.

La wareegidda waxaa lagu qeexaa sababteeda iyadoo qoraal ah. Shaqaalaha badbaadadda carruurta ayaa uruurinaya wax walboo saameyn ku leh arrinka, sidoo kalana dhageysanaya fikirka qoyska. Sababaha la wareegiduna waa iney ahaadaan:

  • waa in la sheegaa siday ilmaha nabadgelyadiisu khatar u gashey,
  • waa in la sheegaa sida la isugu dayey in ilmaha la caawiyo iyo sababta ay siyaabahani ugu filnaan waayeen in ilmaha la caawiyo
  • waa in la sheegaa siday la wareegiddu u caawinayso ilmaha iyo sababta ay la wareegiddu ugu fiican tahay ilmaha oo ugaga fiican tahay inuu gurigiisa joogo.

Waalidka iyo ilmuhu waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan waxyaabaha dukumeentiyada ku qoran ee la leeyahay la wareegidda ayey sabab u yihiin. Sidoo kalana waa in loo qabanqaabiyaa kullan, kaasoo loogu sharaxayo sababaha la wareegitaanka.

Mararka qaar waxaa khasab noqota in wareeidda la sameeyo, iyadoo qoysku uusan raali kaheyn

Haddii waalidka ama ilmaha oo 12 sano u buuxsantay ay ogolaan waayaan la wareegidda, maxakamadda ayey noqonaysaa inay arrinta o’aan ka gaarto. Gudiga caddaalada ayaa arrinka ka baaraan degaya go’aaminayana, waxa ilmaha dantoodu ku jirto. Go’aanka gudiga cadaaladda waxaa racfaan looga qaadan karaa maxkamadda sare.

Arrimaha is maandhaafka ah oo dhan waa in shaqaalaha arrimaha bulshadu kala xaajoodaa qoyska. Taasina waxaa loola jeedaa, in ilmihii iyo qoyskiiba loo sheego go’aanka kala wareegista ee la gaarey, shaqaaluhu waa iney sidoo kalena u sheegaan  go’aanka cidey racfaanka oga qaadan karaan iyo sidey uga qaadanayaan racfaanka.

La wareegiddu waa arrin mar walba dhib badan oo aan sahlanayn, ujeedada laga leeyahayna ma aha in cidna wax loogu dhimo oo lagaga soo horjeesto, ee waa in la caawiyo ilmaha iyo qoyskiisa.

Ilmaha lala wareegay wuxuu u guuraa qoys ku meelgaar ama xero badbaadadda carruurta oo lagu hayo carruur.

Daryeelka ku meelgaarka ah macnihiisu waa ilmaha lala wareegey ee lagu daryeelayo meel aan aheyn gurigiisa. lmaha lala wareegey wuxuu sida caadiga ah ku nool yahay qoys daryeelle ah ama lXarunta badbaadadda carruurta. Inta aanan Ku meeleyn Intaan ilmaha lagu meelayn meel kale oo gurigiisa ka baxsan, shaqaalaha badbaadada carruurtu waa inay soo ogaadaan in qof ilmaha ehelkiisa ka mid ah uu hayn karo ilmaha. In marka la dooranayo meesha ilmaha lagu meelaynayo ee lagu haynayo, hadday suuragal tahay la tixgeliyo ilmaha asalkiisa luuqad ahaaneed, dhaqan ahaaneed iyo diin ahaaneed.

Ilmaha waa in loo sheegaa sababaha keenay in lala wareegay iyo hadafyada laga leeyahay daryeelka meelaynta. Ilmaha waa inay si ku filan ugu suurowdaa inuu la kulmo qofka shaqaalaha sooshalka ah ee arrimihiisa u xilsaaran.

Lasoo xiriirista xiliga lala wareegey ilmaha

Ilmuhu wuxuu sidoo kale xaq u leeyahay inuu la kulmo oo la xiriiro waalidkiis iyo dadka kale ee ehelkiisa ah. Waxyaabahan oo dhan waxaa lagu qoraa ilmaha qorshihiisa macaamiisha qorsheynta macmiilka (eeg eraybixinta). Kulamada iyo wada xiriiridda waalidka waxaa la xadidi karaa oo keliya, haddii ay dhibaato cad u keenayaan ilmaha. Markaasna xadidaada waa in laga gaaraa go’aan, kaasoo abiil laga qaadan karo. Ilmaha da’diisu 12 sano gaartey wuxuu xaq u leeyahay inuu hadduu rabo diidi karo inuu la kulmo waalidkiis.

La wareegistu waxay jireysaa intuu ilmuhu u baahab yahay oo dhan

La wareegiddu waxay socotaa ilaa wakhti aan gaar loo caddayn, taas macneheedu waa la wareegiddu waxay soconaysaa ilaa intuu ilmuhu u baahan yahay oo dhan. Intay la wareegiddu soconayso waxay ku xiran tahay tusaale ahaan siday waalidku u awoodaan inay uga soo baxaan arrimahooda iyo siday naftooda u daryeelaan wakhtiga lagu jiro meelaynta.  Inta lagu jiro wakhtiga la wareegiddu socoto, badbaadada carruurtu waxay isku daydaa inay ilmaha iyo qoyska u qabanqaabiso waxqabadyada taageerada ee wax lagaga qaban karo siduu ilmuhu gurigiisa ugu soo noqon lahaa. Shaqaalaha qaabilsan ilmaha arrimihiisa waxaa waajib ku ah inuu ugu yaraan sannadkiiba mar qiyaaso in loo baahan yahay, in la wareegidda la sii wado iyo in halkaa ay ku egtahay. La wareegista waxay ku egtahay ugu danbeyn markii ilmuhu buuxiyo 18 jir oo uu qaangaaro.

 

 

 

 

Aqri midka xiga

Daryeelka danbe

Daryeelka danbe

Siyaabaha sugida xaquuqda

Siyaabaha sugida xaquuqda

Macmiilnimada badbaadadda carruurta

Macmiilnimada badbaadadda carruurta

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir