Skip to content
""

Daryeelka bulshada

Finland sharciyan waxaa qof walba ku caymiyeysan yahay inuu xaq u leeyahay hadduu kaalmo u baahdo heli karo. Haddii dhammaan adeega bulsho ee la siiyey ku filaan waayo, wuxuu markaa caawimo daryeelka bulshada iyo badbaadadda carruurta.

Wadajir in xaalada lagula qiimeeyo qoyska

Adeega arrimaha bulshada iyo qoysaska carruurleyda iyaga ayaa si iskood ah ula xiriiri karo. Aqoonyahanada adeega bulshada ayaa iyagoo la tashanaya qoyska waxay isla sameynayaan qiimeyn kaalmadaqoyskaasu u baahan yahay. La soo xiriiritaanka cid kale oon qoyska aheyn wey soo sameynkaraan, tusaale sida wargelinta badbaadadda carruurta wey ka imaan kartaa. Markaa shaqaalaha arrimaha bulshada ayaa qiimeynaya baahida loo qabo badbaadadda carruurta iyo arrinka dhaqasaha loo baahan yahay in wax looga qabto.

Adeega arrimaha bulshada iyo qoysaska carruurleyda waa iney helaan sida talosiin iyo tusmo, kaalmo dhaqaale, adeeg guri iyo welina qof caawiye ah ama u qabanqaabin qoys kale oo caawiya. Carruurta dhigashada iskuulka iyo hiwaayadaha suurogal in laga caawinayo. Macmiil ka noqoshada waxay u fureysaa qoyska kaalmo dheeriya. Badbaadadda carruurta ma aha oo keliya iney oilmaha la wareegaan ooy ka kaxeyaan ilmihii hoygiisa, ee waxay ku caawiyaan isagoo gurigiisana jooga.

Fiiro gaar ah:

Hyvinvointialueet (ladnaansha gobolada) ayaa waxay billaabeen howlahooda  1.1.2023, taasoo adeegyadii arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo gargaarka degdega ay ka wareejiyeen degmooyinka kuna wareegi doonaan Hyvinvointialue ladnaansha gobolka). Finland waxay leedahay 21 Hyvinvointialue ladnaansha gobolka). Edeegyada  Helsinki waxay u soconayaan sidoodii hore howlaha shaqo ay qabanayaan waxay tahay sidatan:

  • Daryeelka caafimaadka aasaasiga
  • Kalkaalisada caafimaadka taqasuska
  • Daryeelka bulshada
  • Adeega carruurta, da’yarta iyo adeegyada qoyska
  • Adeega da’da shaqeyn karta
  • Adeega caafimaadka dhimmirka iyo mukhaadaraadka
  • Adeega naafada (kuwa baahiya gaarka qaba)
  • Daryeelka ardeyda
  • Howlaha gargaarka
  • Daryeelka hore

Aqri midka xiga

Macmiilnimada daryeelka bulshada

Macmiilnimada daryeelka bulshada

Adeega  bulshada qoysaska carruurleyda

Adeega bulshada qoysaska carruurleyda

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir