Skip to content

Macmiilnimada badbaadadda carruurta

Haddii xaalada qoyska iyo carruurtu tahay iney kaalmo qof bannaanka ka ah u baahan yihiin. Muhiimaduna waxay tahay in markaa la adeegsado habka ugu yar ee suuragalka ah ee qoyska lagu caawin karo Adeegyada noocan ah ee ugu horeynta ah waxaa la yiraahdaa waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan.

Ilmaha waxaa lageeyaa hoy kumeel gaar ah markii ay howlaha daryeelka furan caawin waayaan ama aysan u qabsoomin sidey danta daryeelka ilmaha ku jirto. Waxaa suurogal ah mararka qaar in xaaladu tahay mid sababta in kumeeleyn degdeg ilmihii la geeyo.

""

Waxqabadka badbaadadda carruurta waxay ku salaysan yihiin sharciga

Waalidka iyo dadka kale ee ilmaha waalid ahaanta u ah ayaa marka ugu horaysa masuul ka ah ilmaha daryeelkiisa iyo barbaarintiisa, hase yeeshee waalidku waxay xaq u leeyihiin inay bulshada ka helaan caawimo laga caawinayo xilkan saaran. Sababtu waxay doontaba ha ahaatee, Mudnaanta kowaad waxay tahay in bulshad ujeedkeedu yahay iney kaalmeeyaan qoysaska u baahan caawimada sida ugu dhaqsaha badan wakhti hore oo munaasiba, si ay qoyskii iyagu si isku filnaansho leh u gutaan howlaha barbaarinta. Haddii waalidku ama dadka ilmaha waalid ahaanta u ah ay awoodi waayaan inay ka soo baxaan inuu ilmuhu helo nolol wanaagsan, bulshada Finland ayey waajib ku tahay inay xaaladda qoyska wax ka abato. Markay sidaasi dhacdo badbaadada carruurta shaqadeedu waa inay sugto siduu ilmuhu ku heli lahaa nolol wanaagsan. Taas macneheedu waxaa caawimadu waxay noqon kartaa mid aanu qofku u madax bannaanayn inuu diidi karo ee sharciga badbaadada carruurta ayaa wuxuu dhigayaa, in markay xaaladaha qaarkood jiraan ay shaqaalaha badbaadada carruurta waajib ku tahay inay xaaladda wax ka qabtaan si ilmaha loo badbaadiyo.

Waddanka Finland dhammaan waxqabadyada badbaadada carruurtu waxay ku qeexan yihiin sharciyada badbaadada carruurta. Taas macneheedu waa shaqaalaha maamulka ee badbaadada carruurtu waxyaabaha ay sameeyaan iyo go’aamada ay gaaraan waxay mar walba ku salaysan yihiin sharci. Sharciga badbaadada carruurtu wuxuu khuseeyaa ilmo walba oo waddankeenna jooga, kumana xirna ilmuhu wuxuu yahay.

Danta ilmahai yo ka qeyb ahaanta badbaadadda carruurta

Badbaadadda carruurtu waxay mar walba ka bilaabantaa danta ilmaha. Taasna macneheedu waa, shaqaaluhu waa inay go’aan walba oo ilmaha khuseeya ku qiimeeyaan waxa uu yahay xalka ugu fiican ee laga gaari karo ilmahan arrintiisa iyadoo la eegayo xaaladda nolosha ee uu ilmaha ku jiro wakhtiga markaas la joogo. Sharciga waxaa ku qoran liis ku saabsan waxyaabaha ay tahay, inuu qofka sooshalka badbaadada carruurta ah tixgeliyo, markuu qiimaynayo inay hirgeleyso siday ilmaha dantiisu ku jirto. Waa in laga fekeraa tusaale ahaan siday xalalka kala duduwani u sugayaan inay xiriirada uu ilmuhu la leeyahay ehelkiisa iyo xiriirada uu dadka la leeyahay ee socdaa sidooda ahaadaan, ama sida loo taageerayo ilmaha luuqadiisa iyo dhaqankiisa iyo diintiisa uu asalka u leeyahay.

Qofka shaqaalaha ah isagoo raacaya siduu sharcigu dhigayo ayuu qiimaynayaa siday ilmaha dantiisu ku jirto, sidaas darteed waxaa dhici karta inay shaqaalaha badbaadada carruurtu mararka qaarkood ay khasab ku noqoto inay gaaraan go’aamo aanay waalidka iyo ilmuhu ku qanacsanayn.

Ilmuhu wuxuu xaqu leeyahay inuu ka hadalo arrimaha isaga khuseeya, waana in loo tixgeliyaa aragtidiisa iyadoo la qiimeynayo da’diisa iyo kobociisa. Sidoo kalena badbaadadda carruurta waa iney ku qeexaan rabitaanka ilmaha iyo fikirkiisa waana in loo tixgeliyaa.

Siduu sharcigu dhigayo ilmaha ay 12 sano u buuxsantay awood hadal buu u leeyahay arrimaha badbaadada carruurta. Awoodda hadalka macneheedu waa in marka laga hadlayo arrimaha khuseeya badbaadada carruurta fikradda ilmaha waa in loo tixgeliyaa si la mid ah sida loo tixgeliyo fikradaha dadka qaangaarka ah. Ilmaha ay 12 sano u buuxsantay wuxuu xaq u leeyahay inuu akhristo waxyaabaha qoraalka ah ee isaga khuseeya, marka go’aamada la gaarayana waa in fikradiisa loo dhegeystaa si offishal ah. Ilmahaasi wuxuu raadsan karaa caawimo, wuxuu dalban karaa adeegyo, wuuna ka soo horjeesan karaa go’aamada isaga khuseeya. Waa in loo sheegaa go’aamada la gaarey iyo siday suuragal ugu tahay inuu rafcaan (abiil) ka qaadan karo.

Waalidiintu xaquuqda ay leeyihiin iyo waajibaadka saaran ee badbaadadda carruurta

Sida caadiga ah waalidku xaq bay u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan waxyaabaha ku saabsan ilmohooda daryeelkiisa, barbaarintiisa, degmada uu ku noolaanayo iyo waxyaabaha kale ee ilmaha khuseeya. Marka go’aamada la gaarayana waa in la tixgeliyaa ilmaha fikradiisa. Wakhtiga ay socdaan waxqabadyada taageerooyinka ee daryeelka furan waalidku waxay xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan dhammaan waxyaabaha ku saabsan ilmaha arrimihiisa iyo waxqabadyada taageerooyinka ee daryeelka furan oo ujeedkoodu yahay iney qoyska u maareeyaan adeegyo, kuwaasoo ka kaalmeynaya kana caawinaya ilmihii oo ku nool gurigiisa.  Sharciga nidaamkiisa ayaa wuxuu yahay, marka ilmaha arrimihiisa faraha lala galo waa in la isku dayaa in waalidka lala yeesho wadashaqayn wanaagsan. Waalidku mar walba xaq bay u leeyihiin, inay go’aan ka gaaraan waxyaabaha ku saabsan ilmaha diintiisa iyo barbaarinta diimeed.

Waalidnimadu marnaba ma dhammaato, marka ilmaha lala wareego ama la meeleeyo, laakiin markaas waxaa la xadidayaa awoodda go’aanka ee waalidka. Waalidku iyagaa weli ilmaha masuul ka ah, laakiin ilmuhu meesha uu joogayo, daryeelkiisa, barbaarintiisa iyo dhaqaalayntiisa waxaa go’aan ka gaaraya waaxda sooshalka ee degmada. Welina waxaa la isku deyeyaa, in go’aamada la gaaro iyadoo wadashaqayn lala yeelanayo waalidka. Marka lagu jiro wakhtiga ay socoto la wareegidda iyo meelaynta degdegga ah, waalidku waxay xaq u leeyihiin inay helaan wararka ku saabsan ilmohooda arrimihiisa, waxayna xaq u leeyihiin inay ilmaha xiriir la yeeshaan. Waalidku waxay kaloo xaq u leeyihiin, inay ogaadaan waxyaabaha iyaga laga qoray iyo waxyaabaha sababta looga dhigay waxyaabaha la sameeyey.

 

 

 

Aqri midka xiga

Mudnaanta hore waa daryeelka furan

Mudnaanta hore waa daryeelka furan

Meeleynta meelgaarka ah

Meeleynta meelgaarka ah

Daryeelka danbe

Daryeelka danbe

 

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir