Skip to content

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka

Finland rugta dhalaanka iyo hooyooyinka waxay u adeegaan dhamaan hooyooyinka uurka leh (rugta hooyooyinka) iyo ilmaha da’da iskuulka aan gaarin iyo qoyskooda (rugta dhalaanka). Adeegaas qoysasku way u maddax banaan yihiin waana u lacag la’aan. Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka waxay caawiyaan hooyada iyo qoyska ilmaha u dhalanayaan iyo sanad ugu horreeya nolosha ilmaha.

""

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka waxaa lagula socdaa hadba marxalada uurka yahay. Waxay kaloo talo kasiiyaan xiliga uurka iyo u diyaar garowga foosha. Ilmo iyo qoys walba waxay helayaan talosiin  gaar ah.

Rugta dhalaanka waxaa lagu hormariyaa barbaarinta iyo koritaanka iyo in laga taakuleeyo waalidka sida daryeelka iyo koriimada ilmaha wixii su’aalo ah ee la xiriira iyo xalaada qoys ahaaneedba, waxaa intaa dheer in ilmihii lasiiyo wixii talaal sida waafaqsan nidaamka talaalada.

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka waxay si foojignaan leh isku dayaan in wakhti kahor ay qiimeyn ku sameeyaan haddii ilmihii ama waalidku u baahan yahay kaalmo iyo taakulaba. Waxay wada shaqeyn dhow la leeyhiin laamo kala duwan hadba baahida qoyska sidey tahay (sida. kala shaqeynta ilmaha, barbaarinta, shaqo qoys, daryeelka ilkaha, baxnaaninta quudinta, rugta dhalaanka iyo hooyooyinka, badbaadadda carruurta).

Haddii kalkaalista caafimaadka ee rugta dhalaanka iyo hooyada galo tuhun iney khatar ku jirto ladnaanshaha iyo kobaca ilmaha, waxay la xiriiri kartaa sooshalka degmadaas ilmihii ama waalidka oo la jooga. Haddii aysan suurogalin markaa la xiriirista iyagoo wada jooga ama xaaladu tahay mid degdeg oo loo baahanyahay badbaadadda carruurta, waxaa waajib ah markaas in masuulka shaqaalaha uu la xiriiro uuna sameeyo wargelin badbaadadda carruurta ah. Ka aqriso dheeri, maxaa dhacaya lasoo xiriirista ama wargelinta badbaadadda carruurta kadib beejka macmiil ka ahaansha daryeelka arrimaha bulshada.

 

 

 

Baarista caafimaadka baaxadeysan rugta dhalaanka

Rugaha dhalaanka iyo hooyooyinka waxaa loogu qabtaa kaalmeynta waalidka iyadoo lagu xaqiijinayo si baaxadeysan afar siyaabo caafimaad, taasoo lagu qiimeynayo qoyskoo dhan caafimaadkooda iyo ladnaanshahoodaba iyo waxyaabaha kalee saameynta ku leh qoyska, iyadoo ogollaansha waalidka lagu sameynayo baaritaankaas caafimaad ee baaxada leh, taasoo shaqaalaha barbaarinta dhalaanka ay qiimeyn ku sameynayaan kobaca ilmaha qeybaha ugu muhiimsan, si loogu helo kaalmo iyo daryeel.

Astaamaha neerfaha maskaxda loona soo gaabiyo NEPSY

Wakhtiyadan danbe waxaa xooga la saaraa mudnaanta cilmi nafsiyeedka neerfayaasha caqabadaha ku yimaada. Waxaana loo soo gaabiyaa nepsy. Caqabadaha Nepsy wuxuu saameyn ku yeeshaa nolol maalmeedka ilmaha maalin walba. dad ladhaqanka, xakameynta dareenka iyo tusmeynta howsha uu qabanayo. Caqabadahaas in la fahmo waa muhiim, si loo fahmo hab-dhaqanka ilmaha. Waxaa iyana muhiimah in waalidkii ilmahana lagu caawiyo waalidnimada iyo shaqaalaha kalee la shaqeeya sida xannaanada ama. Ka aqriso dheeri arrimaha sheekooyinka “Caawinaad ilmaha caqabada neerfo maskaxeedka”

Aqri midka xiga

Barbaarinta hore

Barbaarinta hore

Iskuulka

Iskuulka

Shaqada dhalinyarada

Shaqada dhalinyarada

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir