Skip to content

Xaaladaha furriinka

Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay haddii ay waaliskiisu is furaan inuu la leeyahay labada waalidba xariir wanaagsan. Waalidku markey is furaan waa iney ka heshiiyaan masuuliyada ilmaha, halkuu ku noolaanayo, la kulanka waalidka kale iyo masruufka.

 

""

Waalisku waa iney xal ka gaaraan in ay masuuliyad wadareedka ilmaha wada lahaanayaan iuo labada waalid midkuu la noolaanayo. Ilmuhuna wuxuu xaq u leeyahay inuu la kulmo labadiisa waalid. Waalidkuna waa lagu waajib karaa inuu bixiyo masruufka. Masruuf ilmaha midka uu la noolyahay mooyee kan kale.

Masuuliyad wadareed mise keli daryeele

Furiinka ka dib, inta badan ilmaha si wadajir ah ayey labada waalid masuul uga noqdaa. Taas macneheedu waa labada waalid si wadajir ah ayey go’aan uga wada gaaraan arrimaha muhiimka ee ilmaha khuseeya, sida barbaarinta, daryeelka caafimaadka ama safar aadidda. Waxyaabaha maalin walba jira ee nolosha caadiga ah waxaa go’aan ka gaara waalidka uu ilmuhu la nool yahay. Ilmaha ay labada waalidba masuulka ka wada yihiin looma kaxayn karo waddanka dibediisa, haddii aanu waalidka kale raalli ka ahayn. Haddii ilmaha loo dalbayo baasaboor, waalidka kalena waa inuu saxiixaa foomka baasaboorka lagu dalbayo. Haddii furiinka ka dib ay suuroobi weydo in ilmaha si wadajir ah masuul looga wada noqdo, labada waalid midkood baa dalban kara inuu isagu keligii masuul ka noqdo ilmaha. Taas macneheedu waa waalidka keligii masuulka ka ah ilmaha ayaa si keli ahaan ah go’aan uga gaari arrimaha ilmaha khuseeya, umana baahna inuu waalidka kale la tashado. Hase yeeshee mar walba waa in la tixgeliyaa inuu ilmuhu xaq u leeyahay, inuu labadiisa waalidba la kulmo.

Markii la go’aansado furriin

Furriinka waxaa dalban kara lammaanaha midkii doona ama labadooda oo wadajira. Lix billood oo ka fiirsasho kadib ayaa la ansixiyaa furriinka, Furriinka markuu dhacao oo lamaanuhu kala guuraan.

Heshiiska arrimaha carruurta furriinka kadib

Arrimaha talosiinta iyo heshiiska la xiriira furriin, daryeelka ilmaha, deegaanka, la kulanka iyo masaariifta waxaa qaabilsan degmada Adeega xaquuqda qoyska.

Carruurta dantooda waxaa wanaagsan in waalidka ay ka heshiin karanaan arrimaha ilmaha masuuliyadiisa, halka uu ku noolaanayo iyo xaquuqda la kulanka waalidka kale iyo weliba masruufkiisa. waalidkuna iyaga ayaa uga heshiin kara sida iyaga ku habboon.

Heshiiska waa lagu geli karaa hab qoraal ah ama hadal ah. Balse waxaa habboon in waalidku galaan heshiis ay qoraal ah, taasooy siin karaan  dandhowraha carruurta si loo ansixiyo. Sidaas ayaana lagu ceymin karaa in, sida la kulmida ilamaha waalidkiis uu xaqa u leeyahay ula kulmo. Haddii labada waalid midka lagula heshiiyey masruufkii ilmaha uu bixin waayo ama uga qeyb qaadan waayo masruufkii, Keladuna mabixin doonto masruufkaas, Haddaanan heshiiska masruufku garwadeyn ka ahey shaqaalo dowladeed.

Haddaan heshiis dhalan

Haddii arinku fara kabax noqdey, waalidkuna ku heshiin waayeen arrimaha, lama gaari karo heshiis dandhowraha carruurta Sameynta heshiiska awgiisna waxaa ka caawinaya adeeg gaar ah, waanwaanta arrimaha qoyska beejkooda Ka aqriso dheeri waanwaanta arrimaha qoyska adeega arrimaha bulshada qoysaska.

Haddii uusan weli heshiis dhicin, waxaa suurogal ah in loo baahdo kaalmo garyaqaan, ama in maxkamad leyla fuulo. Halkaa markey gaartana maxkamadda ayaa xukmineysa, waalidka uu ilmihii la noolaanayo iyo siduu waalidka kale ula kulmi lahaa. Maxkamadduna waxay u baahan tahay shaqada sooshalka xaqiijinta xaalada.

Ku talojirka furriin ama xaalad furriin waxaad heli kartaa caawimo marxaladaha kala duwan eed ku jirto, sida howlaha qibrad waddaaga. SIdoo kalena ilmuhu xitaa waxay helayaan horin u gaara. Weydii noocyada adeeg ee degmadaada sida adeega ama talosiinta sooshalka qoysaska carruurleyda.

Aqri midka xiga

Xaquuqda carruurta

Xaquuqda carruurta

Kaalmada lamaanaha

Kaalmada lamaanaha

Masuuliyadda Ilmaha

Masuuliyadda Ilmaha

Xir