Isu gacan qaadka qoyska
Gacan qaadku Finland waa faldenbi mar walba. Xubnaha qoysku ma bannaana iney yet isku dhuftaan. Sidoo kalena waxyeelada nafsiyan, sida hanjabaad ama baqdin gelin qofna laguma sameyn karo umana baahna inaad keli ku ahaato haddey kusoo wajahdo waxyeeladaas.

Caawimo wuu helayaa dhibane iyo waxyeeleeye kasta. Waxaad la xiriiri kartaa lambarada laga caawiyo dadkaadigoon magacaaga u sheegin.
Qofka waxyeelada loogeystey iyo kan loogu hanjabeyba waxyeeleynta waxaa la geyn hoyga badbaadinta, halkaasuu si amaan ah ku joogi karo. Guryaha ammaanka waxaad heleysaa talooyinxalinta arrimahaaga. Guriga ammaankak waad aadi kartaa adiga cunugaaga ama ilmahaba. Xaaladda degdega waxaad la xiriirtaa sooshalka iyo heeganka masiibada ama lambarka gargaarka degdega 112.
Sidoo kale hay’ado badan ayaa iyaguna dadka siyaabo kala duwan u caawiya sida dhibanaha iyo dhibaateeyahaba howlaha qibrad waddaaga. Weydii aagaaga talosiinta iyo adeega sooshalka qoysaska carruurleyda ah.
Kilib faa’iido leh
- Ka akhri bogga InfoFinland ee af-Ingiriisiga si aad u ogaato halka aad ka heli karto caawimo (www.Infofinland.fi)
- Haddii aad wax yar oo keliya taqaan af‑Finnish, weydii haddii aad xaq u leedahay inaad isticmaasho turjubaan. Wax badan ka akhri isticmaalka turjubaanka af‑Ingiriisiga bogga InfoFinland (infofinland.fi).
Aqri midka xiga
Dhaqanka waxyeelada
Xaquuqda carruurta
Xaaladaha furriinka
Eraybixin
Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.