Skip to content

Barbaarinta hore

Finland ilmuhu intuusan gaarin da’da iskuulka wuxuu wuxuu xaq u leeyahy inuu helo barbaarinta hore. Barbaarinta horena waa mid kamid ah Finland niddaamka waxbarashada iyo barbaarinta qofku noloshiisu u baahan yahay. Barbaarintaas waxaa loogu sameyn karaa xannaanooyinka iyo xannaano qoyseedka ama adeegyada furan ee barbaarinta, sida howlaha kala duwan ee naadiyadu qabtaan, waalidka ayaana go’aanka iska leh halka ay ilmuhu ka qeyb qaadanayaan.

""

Finland ilmuhu intuusan gaarin da’da iskuulka wuxuu xaq u leeyahy inuu helo barbaarinta hore. Barbaarinta horena waa mid kamid ah Finland niddaamka waxbarashada iyo barbaarinta qofku noloshiisu u baahan yahay. Barbaarintaas waxaa loogu sameyn karaa xannaanooyinka iyo xannaano qoyseedka ama adeegyada furan ee barbaarinta, sida howlaha kala duwan ee naadiyadu qabtaan, waalidka ayaana go’aanka iska leh halka ay ilmuhu ka qeyb qaadanayaan.

Barbaarintu siyaabo badan bey isugu jirtaa ma aha daryeelka ilmaha oo keliya, xiliga ay waalidkuy ku maqan yihiin shaqada. Waxay xoojineysaa in ilmuhu isku xaquuq yihiin iney helista fursadaha barbaarinta  iyo waxbarasho. Sidaa darteed ayey muhiim u tahay in ilmihii si joogto ah u dhigto.

Ciyaarta waa udub dhexaadka barbaarinta hore. Carruurtu waxay ku bartaan wax laqabsiga ilmaha kale sidoo kale waxay ku baranayaan luuqadii waxayna baranayaan waxay u baahnaayeen dhigashadaiskuulka. Barbaarinta hore waxaaloo baraa ilmihii finnishku inuu yahay luuqada labaad, taasoo ka caawineysa ardeyga ajnabiga koboca luuqada.

Sida sharciga ilmuhu waa inuu ka qeybqaataa intuusan iskuulka billaabin sanad waxbarista carbiska ah. Waxbarashada hore waa lacag la,aan.

 Wada shaqeynta guriga iyo barbaarinta hore

Ilma walba waxaa loo dajiyaa qorshe barbaarin ooy wada dajiyaan macalinka barbaariyaha iyo waalidka ilmaha. Si qorshuhu u hirgalana waa in la qiimeeyaa si joogta ah. Sameynta qorshaha waxaa lagu saleeyaa waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay ama uu xiiseynayo ilmaha iyo caawimada uu u baahan yahay.

Is maqalka ama is wareysiga maalin walba markey waalidku ilmaha soo doonayo waa muhiim. Kullankaas isagaa in leyska wareysto ilmaha maalintiisu sidey aheyd, sidoo kalena si gaarna waa looga hadli karaa wixii kalee la xiriira ilmihii ama welwel ee jira. Mararka qaar wey dhacdaa in waalidkuba uu wax ka welwelayo oo la xiriira ilmihi barbaarintiis. Waa mihiim in waalidku si geesinimo leh ugala hadlaan shaqaalaha barbaarinta sida ugu dhaqsaha badan.

Kaalmada barbaarinta carruurta

kaalmada ilmuhu u baahan yahay waxaa isla qiimeeya waalidka ilmaha iyo shaqaalaha barbaariyaasha barre khaas iyo aqoonyahanada kalee loo baahdo. Haddii loo baahdo xitaa waxaa ka qeyb ahaan karo macalinka gaarka qiimeynta iyo la socoshada kaalmo ee ilmuhu u baahan yahay.

Shaqaalaha barbaarinta carruurta waxay wada shaqeyn la yeeshaa laamo kala duwan sida rugta dhalaanka iyo hooyooyinka, adeega baxnaaninta iyo rugta qoysaska rugta dhalaanka iyo hooyooyinka, haddii loo baahdana sooshalka qoysaska iyo badbaadadda carruurta.

Haddii shaqaalaha barbaarinta carruurta ay ka welwelaan in ilmihii kobaciisa iyo koriinkiisu khatar ku jirto, waxay la xiriiri karaan sooshalka degmada uu ilmuhu ku nool yahay isaga iyo ilmihii ama waalidka ilmaha oo wada jooga.  Haddii aysan suurogalin markaa la xiriirista iyagoo wada jooga ama xaaladu tahay mid degdeg oo loo baahanyahay badbaadadda carruurta, waxaa waajib ah markaas in masuulka shaqaalaha uu la xiriiro uuna sameeyo wargelin badbaadadda carruurta ah. Ka aqriso dheeri, maxaa dhacaya lasoo xiriirista ama wargelinta badbaadadda carruurta kadib beejka macmiil ka ahaansha daryeelka arrimaha bulshada.

Aqri midka xiga

Iskuulka

Iskuulka

Shaqada dhalinyarada

Shaqada dhalinyarada

Goobaha lagu kulmo

Goobaha lagu kulmo

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir