Skip to content

Dhaqanka waxyeelada

Waxaa jira caadooyin hore oo dadku leeyihiin ulana soo guuraan Finland. Caadooyinkaas qaarkood Finland waa dhibaato carruurta, badidoodna wadamo badan waa ka mamnuuc

""

Gudniinka iyo jarista buuryada

Gudniinka lagu sameeyo gabdhaha waxay xadgudub ku tahay xaquuqdooda waxayna ku keentaa waxyeelo caafimaadka. Finland gudniinka gabdhaha noocuu raba ha ahaado waa jirdil qofkii geystana cinqaabteeda la marsiinayo, xitaa haddii gabadhii inta la kaxeeyo oo waddanka debadiisa lagu soo gudo. Xitaa markey umusho xitaa dib looma toli karo. Gudniinka gabadha waxaad ku muteysan kartaa cinqaab xabsi wakhti dheer ah. Haddii shaqaalaha dowladu galo shaki la xiriira gudniin waa iney sameeyaan wargelinta badbaadadda carruurta.

Gudniinka wiilashu ma jirto caafimaad ahaan iyo dastuurkaba wax si gaara loogu diidey, laakiin haddii si qaldan loo sameeyey waxay sababi kartaa faldenbiyeed. Gudniinka waxaa sameyn kara oo keliya dhakhtar sharciyeysan oo u sameeya isagoo u hoggaansan niddaamka.

Isku colaadinta sharafka

Meelo kala duwanoo dunida ayaa wax leysugu geytaa, iyadoo lagu saleynayo sharafka qoyska ama ehelka. Inta badan waxay ku dhacdaa gabdhaha oo dhanka labiska ilbaxnimada, waxaa sidoo kale iyaguna tacadi waa loogu geystaa wiilasha dhanka sharaf dhac keena.  Ilaalinta sharafku wuxuu leeyahay koontoroolis lagu hayo qofka ciduu la soconayo iyo ciduu la saaxiibayaba. Haddii uu xeerka jabiyana waxay keeni kartaa in loo geysto cinqaab waxyeelo leh, waxay kaloo sababi kartaa in guur khasab ah loo guuriyo.

Haddii masuulyinta shaqaalaha ay dareemaan waxyeelo loo geystey ilmihii, waxaa waajib ku ah iney sameeyaan wargelin wargelinta badbaadadda carruurta. Inta badan waxyeelada loogu geysto qofka sharaf dhac baad sameysey waa faldenbi, waana in booliiska lagu wargeliyaa. Waxaa laga hortagayaa waxyeeleynta sababta u ah dhowrista sharafka ee ka dhexdhacda bulshada waddankan usoo guurtey.

 

 

Aqri midka xiga

Xaaladaha furriinka

Xaaladaha furriinka

Xaquuqda carruurta

Xaquuqda carruurta

Kaalmada lamaanaha

Kaalmada lamaanaha

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir