Skip to content

Da’yar dhiban

Asif isagoo 12 jir ah buu wax xadaa oo dagaallamaa. Waalidku way u taag waayeen. Iskuulka iyo badbaadada carruurta ayaa isku dayey inay Asif caawiyaan, laakiin Asif hab-dhaqankiisu wuu sii xumaanayaa. Markii dambe waxaa qoyska go’aan lagula gaarey, in Asif wakhti gaaban guriga laga kaxeeyo oo meel lagu hayo lagu meeleeyo. Intuu Asif meesha lagu meeleeyey joogo ayaa qoyska oo dhan lala shaqaynayaa. Xaalku markuu degana, Asif guriga ayuu ku soo noqon karaa.

""

Asif dhibaatooyinkiisu waxay ka billowdeen xatooyo

Asif 12 jir buu ahaa, wuxuuna ahaa carruurta qoyska kan labaad ee ugu yar. Waalidku sannado badan bay Finland deggenaayeen, laakiin afka Finnishka ma aanay baran. Waalidku kama aanay qaybqaadan koorsadii lagu baranayey luuqadda Finnishka. Asif walaalihiisa waaweyn guriga waalidka way ka guureen.

Labo sano ka hor baa waxaa la ogaadey, inuu Asif dukaanka wax ka xado. Sidaas darteed buu qofka shaqaalaha sooshalka ah ee badbaadada carruurtu ugu yeeray waalidka iyo wiilkaba, si arrinka looga wadahadlo. Waxaa laga wadahadlay waxa dembiga dartiis imaanaya iyo siday tahay in loo magdhebo. Finland qofka 15 sano ka yar maxakamad lama saaro, lamana ciqaabo, laakiin dembiguu sameeyey darteed waxaa dhici karta, inay qolada badbaadada carruurtu arrintii faraha la soo gasho. Qofku xitaa hadduu 15 sano ka yar yahay, khasaaraha uu geystey wuu magdhebaa. Ilmuhu markuu 15 sano gaaro, dembiguu sameeyo isagaa masuul ka noqonaya, waxaana lagu xukumi karaa tusaale ahaan sida ganaax lacageed oo kale. Waalidku waxay ballanqaadeen, inay arrinta guriga kagala sii hadli doonaan. Wiilku wuxuu sheegey, in wiil saaxiibkiis ah uu ku qalqaaliyey inay wax wada xadaan.

Dhibaatooyinku way sii socdeen

Sannad markuu ka soo wareegey bay qolada iskuulku la soo xiriireen qolada badbaadada carruurta. Asif si aad u xanaaq badan buu u dhaqmayey markuu iskuulka joogo. Ardayda kalena hanjabaadihiisa ayey ka baqayeen. Qofka macallinka ah baa wuxuu sheegay, in Asif si sahlan dadka ula dagaallamo, markuu iskuulka joogo iyo wakhtiyada firaaqada ahba.

Shaqaalaha sooshalka ee badbaadada carruurta ayaa mar kale dib ula kulmay waalidka iyo wiilka. Wiilku wuxuu sheegat, inuu xanaaqo marka la caayo oo lagu yiraahdo aflagaado iyo hadalo cunsurinimo ah. Waalidkuna waxay sheegeen, inuu guriga xitaa Asif si xad dhaaf ah u xanaaqo, marka xadadka loo sameeyo ama la yiraahdo waxaas ma samayn kartid.

Shaqaalaha sooshalka ah baa la xiriiray Asif macallinkiisa, qofka macallinka ahna wuxuu ballanqaaday in sidii hore si ka badan loogu fiirsan doono Asif markuu iskuulka joogo o lala socon doono, si loo ogaado in la dhibo iyo in kale. Waalidka waxaa lagala hadlay, siday muhiim u tahay in carruurta loo sameeyo xadad nabadgelyo leh: tusaale ahaan, Asif go’aan kama gaari karo wakhtiyada ay tahay inuu guriga yimaado. Waalidka waxaa kaloo welwel ku hayey in aanay aqoon Asif saaxiibadii oo aanay waalidkood la xiriiri karin, maadaama aanay jirin luuqad ay isku afgartaan.

Shaqo qoyska ayaa waalidka lagaga taageeray hawsha barbaarinta

Waxaa go’aan lagu gaarey in waalidka iyo Asif lala bilaabo badbaadada carruurta shaqadeeda qoyska . Todobaad walba qoyska waa lala kulmi jirey, waalidka waxaa loo sheegay in qoysku ku heshiiyo xeerar qoyska u degsan, sida Asif wakhtiyada ay tahay inuu guriga yimaado iyo wakhtiyada uu laylisyada samaynayo. Iskuulkana dhibidii Asif la dhibayey sidii hore si ka fiican baa wax looga qabtay, laakiin Asif sidii hore si ka xun buu u dhaqmayey. Xiisadda iyadoo lagu jiro ayuu qashqashaad samaynayey, kumana mashquuleyn waxbarashada iyo wax dhegeysiga. Asif inta badan macallinka waxba kama yeeli jirin, ee intuu xanaaqo ayuu xiisadda oo socota iska baxayey oo isaga oo aan ogolaansho haysan buu iskuulka ka tageyey .

Waxay wadajir ahaan Asif, waalidka,badbaadadda carruurta iyo iskuulkuba uga fikirayaan qaabkii looga caawin lahaa Afshi waxbarashada si ay ugu sahlanaato u foojignaanshaha. Waxaa intaa dheer in, Asaf uu la kulmo wadasheekeysi cilminafsiga iskuulka sidoo kalena qiimeeyo caqabadaha waxbarasho ee Asaf heysta.. Marka la og yahay waxyaabaha sababta u ah ku adkaanta waxbarashada, waxaa la awoodaa in ardayga sidii hore si ka fiican loo caawiyo.

Dhibaatooyinkii way ka sii dareen

Xoogaa yar buu xaalku yara degey, Asifna si joogto ah buu iskuulka u dhigan jirey. Ka dib baa haddana waxaa bilowday dhibaatooyin waaweyn oo dhaca wakhtiyada uu firaaqada yahay. Asif isagoo saxiibadiis la socda ayuu bilaabay inuu meelaha dowladdu leedahay jejebiyo oo wasakheeyo. Wax xadidiina dib buu u bilaabay. Xeerarkii lagu heshiiyey ee gurigana ma aanu dhowreyn, xitaa isagoo ballanqaaday oo heshiis ku galay inuu dhowro. Iskuulka markuu joogo Asif wuxuu ahaa mid aan wax uu rabo lahayn oo daallan, laylisyada loo dirana ma aanu karayn inuu sameeyo. Asif wuu isbeddeley, iskuulkiina wax aad ugu adag buu ku noqday.

Waalidkuna arrinka way ku daaleen oo waxay noqdeen kuwo arrinka dartiis murugeysan. Si kastay wiilka ula hadleen, waxba way tari weydo. Waalidku si aad iyo aad ah bay uga welwelsanaayeen wiilka mustaqbalkiisa.

Guriga carruurta lagu hayo ayaa lagu awooday in Asif dhibaatooyinkiisa wax laga qabto

Si wiilka arrimihiisa loogu kuurgalo oo loo ogaado ayaa waxaa la qabanqaabiyey kulan, kaasoo uu shaqaalaha sooshalka ah ee badbaadada carruurtu ugu yeeray waalidka iyo macallinka inay ka soo qaybgalaan. Qolada badbaadada carruurtu waxay qoyska u soo jeediyeen in Asif lagu meeleeyo guri carruurta lagu hayo , si uu Asif si joogto ah iskuulka ugu dhigto, loona awoodo in si fiican wax looga qabto habdhaqankiisa khasaaraha soo jiidaya. Fikradda la soo jeediyey waalidka waxay ku noqotay mid baqdin iyo la yaab ku dhallisay, laakiin waxay ku fekereen inay lagama maarmaan tahay inay wax iska beddelaan siduu xaalku hadda yahay.

Intaan go’aanka la gaadhin ka hor ayaa waalidka iyo Asif fursad loo siiyey, inay soo arkaan guriga carruurta lagu hayo, oo sheegaan fikradda ay meesha ka qabaan. Waxaa kaloo laga wadahadlay waxyaabaha ku saabsan la soo xiriiridda waalidka iyo fasaxyada uu Asif gurigooda ku imaanayo. Meelayntuna waxay dhammaanaysaa, marka baahidda meelaynta keentay dhammaato. Inta lagu jiro daryeelka ku meelgaarka ah waalidku taageero barbaarinta ilmahooda ah bay ka helayaan dad kale oo waaweyn. Shaqaalaha guriga carruurtuna caawimada ay ilmaha ka caawinayaan siduu isaga debberi lahaa xaaladaha nolosha ee maalin walba jiraa, waa caawimo waxtarkeedu ka fiican yahay waxtarka adeegyada daryeelka furan ee ilmaha la siin lahaa isagoo gurigiisa jooga. Inta lagu jiro daryeelka ku meelgaarka ah, ilmaha arrimihiisa waxaa si wadajir ah go’aan uga gaaraya waalidka iyo shaqaalaha ka shaqeeya guriga carruurta iyo shaqaalaha sooshalka ah ee badbaadada carruurta.

Aqri midka xiga

Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka

Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir