Skip to content

Eraybixin

Eraybixintani waa macnaha waxyaabaha jira ee adeegyada carruurta iyo qoysaska.

A

Adeega xaquuqda qoyska (Perheoikeudelliset palvelut)

Degmadaada ayaad ka heli kartaa adeega xaquuqda qoyska, markii ay waalidku kala tagayaan/furayaan. Waxaa laga caawiyaa heshiisyada la xiriira carruurta iyo arrimaha xaqiijinta tusaale aabenimo, daryeelka iyo masruufka carruurta,sidoo kale waxaa laga caawiyaa xalinta arrimaha isku dhaca, haddii ay waalidkuna ku adag tahay iney ka heshiiyaan daryeelka iyo la kulanka ilmaha arrimaha la xiriira. Waanwaanta qoyska iyo dandhowraha carruurta ayaa adeega shaqadan iska leh.
B

Badbaadada carruurta (Lastensuojelu)

Xeerarka khuseeya badbaadada carruurtu waxay ku qeexan yihiin Sharciga Badbaadada Carruurta.  Waxaa isna ku lifaaqan xeerka arrimaha bulshada, xeerka daryeelka ilmahai yo xaquuqda la kulanka ilmahai yo weliba heshiiska xaquuqda ilmaha oo qeexeysa la dhaqanka iyo badbaadadda carruurta.

Badbaadada carruurta ee ka hortagga ah (Ehkäisevä lastensuojelu)

Badbaadada carruurta ee ka hortagga ah waxaa loola jeedaa waxqabadyada ayqolyaha kala duwan qabanqaabiyaan, kuwaas oo lagu sugayo carruurta barbaaridooda, horumarkooda iyo wanaagooda nololeed, waana waxqabadyo lagu taageero waalidnimada. Badbaadada carruurta ee ka hortagga ah waa taageero khaas ah oo ay degmada iyo qolyaha kale ee deegaanka ka shaqeeyaa bixiyaan, marka aanu ilmuhu ama qoysku macaamiil ka ahayn badbaadada carruurta. Badbaadada carruurta ee ka hortagga ah meelaha laga fuliyo waxaa ka mid ah rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo weliba meelaha kale ee daryeelka caafimaadka, barbaarinta hore, goobaha waxbarashada iyo hawlaha dhallinyarada.

Badbaadada carruurta ee loogu talagalay ilmaha iyo qoyska (Lapsi- ja perhekohtainen lastensuojelu)

Badbaadada carruurta ee loogu talagalay ilmaha yo qoyska waxaa la fuliyaa iyadoo la samaynayo u kuurgalka lagu ogaanayo in loo baahan yahay badbaadada carruurta iyo qorshaha macaamiisha, iyo weliba iyadoo la qabanqaabinayo waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan. Ku meeleynta ilmaha meel aan aheyn gurigiisa  daryeele ku meelgaar ah iyo daryeelka danbe  waa mid had iyo goor gaar u ah qoyska iyo ilmaha niddaamka badbaadadda carruurta.

Barbaarinta hore/xannaano (Varhaiskasvatus)

Barbaarinta hore/xanaanada waxaa loogu talogaley ilmaha ka yar da’da iskuulka. Waxaana loogu qabtaa xanaanooyinka, qoys xanaaneedka iyo sidoo kale naadi (kerhotoimintana).  Barbaarinta hore waa kobcinta, waxbarashada iyo daryeel isku dhafan, taasoo ah heshiis ama qorshe qaabka loo fulinayo. Barbaarinta hore waxaa ka shaqeeya macalimiin, aqoonyahano culuunta bulshada iyo daryeele carruurta. Waalidku iyagaa go’aanka iska leh in ilmahooda ka qeyb galaan barbaarinta hore.
C

Cilmi-nafsiga iskuulka (Koulupsykologi)

Cilmi-nafsiga iskuulka wuxuu ka caawiyaa ilmaha kobaca iyo barbaarinta iyo arrimaha la xiriira waxbarashada. Wuxuu sidoo kale qiimeyaa in, ardeygu heysato caqabad fahanka dhanka waxbarashada isla markaasna ka caawiyaa sidii loogu heli lahaa caawimo. Waad la xiriiri kartaa cilmi-nafsiga iskuulka xitaa haddey arrimaha nolosha caadiga ka walwalsan tahay.

Codsi (Hakemus)

Arrinka ah badbaadada carruurtu waxay xitaa ku bilaaban kartaa, iyadoo waalidku ama ilmaha laftiisu la soo xiriiro shaqaalaha badbaadada carruurta oo codsado caawimo. Markay sidan dhacdo lama yiraahdo waa wargelin badbaadada carruurta ah ee waxaa la yiraahdaa waa codsi.
D

Dandhowraha carruurta (Lastenvalvoja)

Dandhowraha carruurta waa midka heshiiska daryeelka carruurta iyo xaquuqda la kulanka ilmaha iyo la kulmaayaan waalidkood iyo weliba masruufka ilmaha furriinka kadib. Dandhowraha isagu ma go’aaminayo dulucda heshiiska, howshiisu waxay tahay inuu ka caawiyo waalidka heshiiska daabacadiisa iyo inuu xaqiijiyo inuusan heshiiskaas uusan wax u dhimmeyn danta carruurta. Sidoo kale dandhowruhu wuxuu ansaxiyaa xaqiijinta aabanimada iyo hooyanimo.

Danta ilmaha (Lapsen etu)

Qiimeynta baahida badbaadadda carruurta iyo hirgelinta badbaadadda carruurta waa mida u baahan marka hore in la qiimeeyo danta ilmaha, taasoo lagu raadinayo xalka ugu wanaagsan ee ilmahaas ku haboon.

Daryeel ku meelgaar ah (Sijaishuolto)

Daryeelka ku meelgaarka ah waa la weerigis, si degdeg ah loogu meeleeyey ama ay gudiga cadaaladda si ku meelgaar ah u xukmiyeen in daryeelkii iyo kobcintii ilmaha u qabanqaabiyeen meel aan aheyn guriiisa.

Daryeel xero ah (Laitoshoito)

Daryeelka xerada ah waxaa loola jeedaa marka ilmaha la meeleeyey hayntiisa iyo barbaarintiisa iyo daryeelkiisa looga qabanqaabiyo meel aan gurigiisa ahayn oo ah xero badbaadada carruurta ah.

Daryeele/waalid (Huoltaja)

Carruurta waxaa ka masuul inta baddan waalidkood, masuulkuna waa ahaan karaa labada waalid midkood, waana marka la yiraah keli daryeele. Sidoo kale masuulku waa ahaan karaa, haddii loo baahdo qof kale oo looga dhigey oon waalidkiis aheyn. Waalidka iyagaana iska leh go’aanka iyo arrimaha carruurtooda. Waa in lasugaa fayodhowrka iyo barbaarin dheelitiran inuu helo ilmihii, isla mar ahaantaa la dhageystaa fikirka ilmaha.

Daryeelka ardeyga (Oppilashuolto)

Daryeelka ardeyga iskuulka waxay ka caawineysaa waxbarashada iyo weliba caafimaadka maskixiyan iyo jir ahaanba. Waxaa suurogal ah iney tahay taakuleyn u gaara ilmaha keligiis ama mid iskuulka/fasalka dhan ah, si loo hormariyo bedqabka sida kahortagista qashqashaada. Iskuulka daryeelka ardeyga adeegaas waxaa bixiya ansha dhowraha iskuulka, cilmi-nafsiga iskuulka iyo weliba kalkaalisada caafimaadka iyo dhakhtarka iskuulka. Daryeelka ardeyga adeeg bixiyaashoodu waxay wada shaqeyn la yeelan karaan dhammaan dhianacyada kala duwan ee ka shaqeeya dhanaha da’yarta iyo carruurta. Haddii ilmuhu u baahan yahay kaalmada daryeelka ardeyga, waxaa wadajir uga fikiraya ilmihii iyo waalidkiis sida ugu macquulsan ee ilmihii caawimo wanaagsan ku heli lahaa. Daryeelka ardeyga gaarka ah waxay u baahan tahay inuu in si iskiis ah qofku u rabo waxaana shardi ah in ilmihii iyo haddii loo baahdo waalidka aqbalaan.

Daryeelka dambe (Jälkihuolto)

Daryeelka dambe waa taageero iyo caawimo la qabanqaabiyo, markay meelayntu dhammaato ka dib. Ujeedada laga leeyahay daryeelka dambe waa in ilmaha ama qofka dhallinyarada ah loo fududeeyo siduu ugu soo noqon lahaa gurigiisa ama uu u madax bannaanaan lahaa oo isu deberi lahaa. Daryeelka dambe wuxuu socon karaa ilaa ay qofka dhallinyarada ah uga buuxsamayso 25 sano.

Daryeelle qoys (Perhehoitaja)

Daryeelle qoys waa qof dadka hoygooda ku siiya daryeelka qoyska tusaale ilmaha la dejiyey meel aan aheyn gurigooda.
G

Gudiga caddaalada (Hallinto-oikeus)

Qodob aasaasiya oo ah shardi, in dhammaan loo hoggaansanaado sharciga howlaha dadweynaha. Go’aanka shaqaalaha dowlada waa inaad racfaan ka qaadan karto, go’aankuna waa inuu ku lifaaqan yahay sidii iyo halkii looga qaadan lahaa racfaan go’aankaas. Gudiga caddaalada ayaa xal ka gaaraya shaqsiga iyo dadka go’aamada uu masuulku gaarey iney yihiin mid ku saleysan sharciga.

Guri qoyseed xirfadaysan (Ammatillinen perhekoti)

Guri qoyseedka xirfadaysan waa qoys daryeele ah, taas macneheedu waa gurigu wuxuu leeyahay ogolaanshaha sharci ahaan la isaga baahan yahay, si gurigu u noqon karo guri qoyseed (guri carruur lagu meeleeyo). Sida caadiga ah guri qoyseedku waa guri ay deggan yihiin laba qof oo xirfadlayaal ah oo masuul ka ah daryeelka iyo barbaarinta carruurta guriga lagu soo meeleeyo.

Guriga ammaanka (Turvakoti)

Guryaha ammaanku waxay caawiyaan dadka qoyskooda kala kulma dilitaan iyo dagaal iyo dadka dareemaya inay jirto khatar ah, inay qoyskooda kala kulmayaan dilitaan iyo dagaal. Qofku keligii ama isagoo carruurta wata ayuu aadi karaa guriga ammaanka saacaddu wakhtigay doontaba ha ahaatee. Guryaha ammaanku waxay ku yaallaan magaalooyinka waaweyn, hase yeeshee degmooyinka kale xitaa waa laga soo aadi karaa.

Guriga ammaanka ee dhallinyarada (Nuorten turvatalo)

Guryaha ammaanka ee dhallinyaradu waxay caawiyaan dhallinyarada xaalad adag oo nolosha ah oo jirta darteed u baahan caawimo si ay xaaladaas adag uga baxaan, guryaha ammaanka dhallinyaradu waxay kaloo caawiyaan dhallinyaradaas qoysaskooda.

Guriga carruurta (Lastenkoti)

Guriga carruurtu waa xero badbaadada carruurta ah oo ay deggan yihiin carruur iyo dhallinyaro meesha lagu meeleeyey. Carruurta iyo dhallinyarada la meeleeyey ee jooga guriga carruurta daryeelkooda waxaa u xilsaaran shaqaale wax soo bartay. Guryaha carruurta ee Finland ku yaallaa waa sida guryaha caadiga ah yihiin si ku dhow, marnaba ma aha guryo aad u waaweyn. Guryaha carruurtu waxay ku dhaqmaan siduu sharcigu dhigayo, shaqadoodana waa la ilaaliyaa inay sharciga dhawraan.
H

Heeganka sooshalka (Sosiaalipäivystys)

Heeganka sooshalku wuxuu u xilsaaran yahay afar iyo labaatanka saac oo maalin walba ah caawimooyinka sida degdegga ah loogu baahan yahay. Meesha lagala xiriiro Heegan sooshalka waxaad ka heleysaa buugga telefoonnada ama bogga internetka ee degmadu leedahay ama lambarka 112 ee la waco markay dhibaato jirto, ama isbitaallada ama booliska.

Heshiiska arrimaha qoyska (Perheasioiden sovittelu)

Heshiiska arrimaha qoyska waxay la aadi karaan, markii waalidku ay ka fakirayaan furiin ama ay is fureenba. Waxaa laga caawiiyaa laamanaha sidey ku heli lahaayeen xalka arrimaha ismaandhaafka ee ka dhexeeya. Waxaa mudnaan gaara leh xaalada arrinka ilmaha.  Heshiiska waxaa leysku deyeyaa sidii lagu heli lahaa xal, si ilmihii yaraana aysan u go’in xiriirka wanaagsan ee uu la lahaa labadiisa waalidk xitaa haddey is fureen.

Howlaha qibrad waddaaga (Vertaistukitoiminta)

Howsha qibrad waddaaga waxay kaa caawineysaa, inaad la waddaagto dadka kale waxyaabihii kula soo gudboonaadey ama isla xaaladaas oo kale haddaad usoo joogtey noloshaada. Qofina qof waxbari mayo ama inuu xal cilmiyeysan keeno, ee ujeedadda waa inaad dhageysto ama aad la waddaagto ood wax kabarato adiguna u fahanto qibradaada.
K

Kamid ahaansho (Osallisuus)

Kamid ahaanshaha waxaa loola jeedaa in dhamman dadku xaq u leeyihiin si cadaaladda iney kaga qeybqaadn karaan saameyna ku yeelaan karaan waxwalboo arrimihiisa la xiriira iyo horumarka bulshada. Kamid ahaanshaha ilmaha waa markii arrinku yahay, inuu ka qeyb yahay go’aaminta, fulinta iyo qiimeynta arrimihiisa howlaha shaqo ee la xiriira.  Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay kamid ahaanshihiisa dhammaan wixii la xiriira arrimihiisa oo dhan iney ahaadan kuwo sirtooda aad loo xifdiyo sida waafqsan dastuurka.
L

La tashiga ehelka muhiimka ah (Läheisneuvonpito)

La tashiga ehelka muhiimka ah waa hab loo shaqeeyo oo ah in la isku dayo in xal loo helo dhibaatooyinka jira, iyadoo si wadajir ah loola shaqaynayo dadka ehelka ah ee muhiimka u ah ilmaha iyo qoyska. Shirka la tashiga ehelka muhiimka ah lala yeelanayo ayey shaqaalaha maamulku kula kulmaan oo wadahadallo la yeeshaan dadka ilmaha arrintiisa darteed muhiimka ah.

La wareegid (Huostaanotto)

La wareegidda macneheedu waa masuuliyadda ilmaha daryeelkiisa iyo barbaarintiisa ayaa waxay ku wareegeysaa shaqaalaha maamulka. Siduu sharcigu dhigayo, ilmaha waa in lala wareegaa, haddii xaaladda uu ilmuhu ku korayo ama ilmaha habdhaqankiisu keenayaan, in ilmaha caafimaadkiisa iyo horumarkiisu khatar aad ah ku sugan yihiin. Hase yeeshee la wareegidda waxaa la samayn karaa oo keliya, hadday ilmaha dantiisu sidaas ku jirto, ayna caddaato in waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan ay noqdeen kuwo aan ku filnayn.

La wareegid aan raalli laga ahayn (Tahdonvastainen huostaanotto)

La wareegidda aan raalli laga ahayn macneheedu waa marka ilmo 12 sano u buuxsentey ama waalidkiis aanay raalli ka ahayn la wareegidda. Markay sidaasi dhacdo, maxakamadda ayey tahay inay arrinta go’aan ka gaarto. Shaqaalaha sooshalka ee u xilsaaran ilmaha arrimihiisa ayey tahay inuu diyaariyo codsi uu maxakamadda maamulka ugu soo jeedinayo, in ilmaha lala wareego. Ka dibna maxakamadda maamulku intay arrinta ka baaraan degto ayey xal ka gaareysaa siday ilmaha dantiisu ku jirto.

Lasoo xiriirsta daryeelka arrimaha bulshada qiimeynta kaalmada loo baahan yahay (Yhteydenotto sosiaalihuoltoon tuen tarpeen arvioimiseksi)

Ilmaha iyo cida ka masuulka ah wey la xiriiri karaan daryeelka arrimaha bulshada si ay caawimo u weydiistaan. Sidoo kale waxaa lasoo xiriirista sameyn kara cid walba oo kale, kuwaasoo ka walwalsan ladnaasha ilmaha. Tusaale ahaan iskuulka iyo xanaanada ayaa lasoo xiriiri kara si wadjira ilmihii iyo waalidkiis iney lasoo wada xiriiraan sooshalka degmada. Haddii la soo xiriiristo suuroobi weydo waalidkoo wakhti heynin darteed (tusaale mashquul awgiis)  waa in la sameeyaa wargelinta badbaadadda caruurta. Markii lasoo xiriiristu timaato waxaa la bilaabaa xaqiijinta arrinka waxaana lala soo xiriiraa ilmihii iyo waalidka. Marwalboo lala soo xiriiro  waxaa la qiimeynayaa xaalada baahida adeega ay u baahan yihiin.
M

Masruufka (Elatusapu)

Labada waalidba iyagaa ka masuul ah masruufka ilmaha ka yar 18 jir, xitaa haddeysan la nooleyn. Waalidku hsddey kala tagaan waa iney ka heshiiyaan masruufka iyo kaalmada biilka ilmaha. Masruufka waa caddad lacageed,taasooy waajib ku tahay inuu bixiyo waalidka ay waajibka ku tahay inuu siiyo waalidkii kale wakhti cayiman sidoo kalena ka qeyb ahaado kharashaadka kale biilka ilmaha. Xaaladu waxay ahaan kartaa sidatan, haddii waalidku uusan siyaabo kale uga qeyb aheyn nolosha ilmaha tusaale uusan ilmihii kula nooleyn gurigii. Masruufka waxaa loo xisaabinaya hadba ilmaha baahidiisa iyo hadba awooda dhaqaale ee waalidka. Heshiiska masruufka waxaa wanaagsan inaad ku gasho qaab qoraal ah, taasooy gudiga sooshalku ansixinayaan.

Meelayn (Sijoitus)

Meelaynta macneheedu waa ilmaha ayaa waxaa lagu meeleeyaa daryeel ku meelgaar ah, taas oo macneheedu yahay ilmaha hayntiisa iyo barbaarintiisa waxaa loo qabanqaabiyaa si ah in la geeyo meel kale oo aan ahayn gurigiisa.

Meelayn degdeg ah (Kiireellinen sijoitus)

Meelaynta degdegga ah macneheedu waa, in isla markiiba ilmaha halista ku jira loo maareynkaraa gurigiisa meel aan aheyn. Baahida meeleynta degdeg ah waxay k uimaan kartaa markii tusaale, ay xaalada guriga ama waxyaabihii lagu daryeeli lahaa oo ilmuhu u baahnaa oolin, wax khatar degdeg ah ku noqon kara ilmihii caafimaadkooda ama koriimadooda ama markii, waalidku yihiin kuwo aan markaa daryeeli karin ilmihii, taasina ay halis ku tahay markiiba ilmihii caafimaadkooda iyo koriimadooda. Meeleynta degdega waxay qaadan kartaa ugu badnaan 30 maalmood. Arrimo jira dartood waa lasii kordhin karaa ugu badnaan 30 maalmood.

Meelaynta oo ah waxqabad taageero oo daryeelka furan ah (Sijoitus avohuollon tukitoimena)

Meelaynta oo ah waxqabad taageero oo daryeelka furan ah waxaa loola jeedaa marka ilmaha ama qoyska oo dhan wakhti gaaban la meeleeyo oo la geeyo meel kale oo aan gurigooda ahayn. Meelaynta daryeelka furan ah mar walba qofku ama qoysku wuu u madax bannaan yahay oo khasab ma aha.

Meeleynta daryeelka furan (Avohuollon sijoitus)

Ilmaha waa lagu meeleyn karaa daryeel furan iyadoo loo caawinayo horin ahaan in si kumeel gaar ah loogu meeleyo meel ka baxsan gurigiisa keligiis ama isaga iyo waalidkiis. Ku meeleyntaasi waa mid aan qasab aheyn waxaana qorsheynteeda lala gaara marka horeba waalidka iyo ilmaha. Qodobka badbaadadda carruurta siduu qabo marka hore ku meeleynta waa waalidka iyo ilmaha in si wadajira loogu wada meeleeyo. Qoyskoo dhan in lawada meeleyana waxaa loo baahan yahay xarun/xero ama waxaa loo qaban qaabinkaraa sidoo kale daryeel qoyseed. Ku meeleyntu waxaa suurogal ah in loo baahan yahay sidaa darteed waa in, si degenaansho loo qiimeeyaa kaalmada ama baxnaaninta uu qoysku u baahan yahay. Sidoo kale waxaa suurogal ah in loo baahdo ku meeleyn kumeel gaar ah, haddii carruurtii daryeelkooda loo baahdo in si kumeel gaar ah loogu meeleeyo, tusaale haddii waalidkii xannuunsado oo uu dhakhtar galo ama hooyadii ay foolato darteed.
Q

Qiimeynta baahida adeega (Palvelutarpeen arviointi)

Markii shaqaalaha daryeelka arrimaha bulshada helo warbixinta qofka u baahan daryeelka, shaqaalihii ayaa qiimeynaya isla mar ahaantaasba, inuu u baahan yahay si deg-deg kaalmo. Waxaa suurogal ah in qofku isagu toos ula xiriiro daryeelka arrimaha bulshada ama soo wargelinta iney sameeyey masuul kale.   Shaqaalaha ayaa la kulmaya xubnaha qoyska dhowr kulan waxayna si wada jira u qiimeyn doonaan xaalada adeega baahidooda. Qiimeynta baahida adeega waa in la sameeyaa saddex billood gudahood markii ay warbixintu sharciyan soo gaartey.

Qorshaha macaamiisha (Asiakassuunnitelma)

Qorshaha macaamiishu ee badbaadadda carruurta waa warqad lagu qoro waxyaabaha keenaya in ilmaha iyo qoysku caawimo u baahan yihiin, iyo waxyaabaha la rabo inay wax iska beddelaan. Waxaa kaloo qorshaha macaamiisha lagu qoraa, siday badbaadada carruurtu ku talo jirto inay u caawiso ilmaha iyo qoyska, iyo wakhtiga ay ku qaadanayso. Ilmaha macaamiisha ka ah badbaadada carruurta waa in mar walba loo sameeyaa qorshaha macaamiisha. Waana in qorshaha macaamiisha dib loo fiiriyaa haddii loo baahdo, laakiin waa in ugu yaraan sannadkiiba hal mar dib loo fiiriyaa. Haddii loo baahdo waalidka xitaa waxaa loo sameeyaa qorshaha macaamiisha oo u gaar ah.

Qoys daryeelle ah (Perhehoito)

Qoyska daryeelaha ah waxaa loola jeedaa in ku meeleynta ilmaha daryeelkooda, kobocooda iyo xannaaneyntooda lagu meeleeyey meel aan aheyn gurigiisa oo ah guri qoys caadiya ama guri qoyseed xirfadysan.

Qoys ku meelgaar ah (Sijaisperhe)

Qoyska ku meelgaarka ah waa qoys bixiya daryeelka qoyska oo haya ilmo aanay dhallin, ilmahaas oo ah mid sababo badbaadada carruurta ah dartood loogu meeleeyey qoyskaas. Qoyska ku meelgaarka ahi wuxuu ilmaha u noqonayaa meel uu ku barbaaro oo ku noolaado, oo qoysku wuxuu ilmaha u gelayaa booskii waalidkiis. Waalidiinta qoyska ku meelgaarka ah waa loo tababaraa hawshan, waana dad loo aqoonsaday inay hawshan ka soo bixi karaan. Ilmuhu isagoo qoyskan ku meelgaarka ah la jooga ayuu la kulmaa waalidkiisa saxda ah ee dhalay. Waalidiinta ku meelgaarka ah waxaa kaloo lagu magacaabaa qoysaska daryeelayaasha ah.
R

Rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka (Äitiys- ja lastenneuvola)

Finland gudeheeda rugta daryeelku waa adeeg lacag la’aan ah oo dadka ka caawiya daryeelka caafimaadka carruurta. Hooyadu markay uurka leedahay bay tagtaa rugta daryeelka hooyada. Rugta daryeelka hooyada ayaa lagula socdaa hooyada iyo ilmaha dhalan doona caafimaadkooda iyo wanaagooda. Ilmaha aan da’da iskuulka gaarin koriinkiisa iyo horumarkiisa waxaa lagula socdaa rugta daryeelka dhallaanka. Tusaale ahaan ilmuhu tallaalada uu u baahan yahay wuxuu ka helaa rugta daryeelka dhallaanka.

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka/barbaarinta ama talo-siinta qoyska (Perheneuvola/kasvatus- tai perheneuvonta)

Barbaarinta iyo talo-siinta qoyska waxay ka caawiyaan da’yarta iyo carruurta kobocooda, waalidnimida iyo weliba xiriirka xilo ee qoyska. Reerku waxay waxay heli karaan qabiiro ka caawiya caqabadaha carruurta iyo qoysaska.  Dhibaatada way ahaan kartaa koboca ilmaha iyo hab-dhaqankiisa ama iskudhac dhanka waalidka iyo xaalada nololeed oo adkaatey. Barbarinta iyo talo-siinta qoyska waxaa laga helaa rugta dhalaanka iyo hooyooyinka degmadaada, laakiin mararka qaar waxaa laga helaa adeega arrimaha bulshada waana wada shaqeyn ay la sameeyaan degmada.
S

Shaqaalaha qoyska (Perhetyöntekijä)

Shaqaalaha qoysku wuxuu la shaqeeyaa qoysaska carruurta leh oo waalidka ayuu ka caawiyaa carruurta hayntooda, daryeelkooda iyo barbaarintooda. Shaqaalaha qoysku wuxuu kaloo waalidka ka caawiyaa hawlaha kale ee guriga laga qabto.

Shaqaalaha sooshalka ah ee u xilsaaran ilmaha arrimihiisa (Lapsen asioista vastaava sosiaalityöntekijä)

Ilmo walba oo macaamiil ka ah badbaadada carruurta waxaa loo magacaabaa qof sooshal u ah oo ka shaqeeya ilmaha arrimihiisa, qofkaas sooshalka ah ayaa la yiraahdaa shaqaalaha sooshalka ah ee u xilsaaran ilmaha arrimihiisa. Qofka sooshalka ah shaqadiisu waa inuu ka shaqeeyo siduu ilmuhu u heli lahaa taageerada iyo adeegyada uu u baahan yahay. Shaqaalaha sooshalka ah ee u xilsaaran ilmaha arrimihiisa  ay waajib ku tahay iney ku howlanaato in, dantii ilmuhu u qabsoonto.

Shaqaale iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshada (Koulukuraattori)

Shaqaalaha iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshadu waa qof iskuulka sooshal u ah, wuxuuna caawiyaa oo taageeraa ardayda iyo qoysaskooda. Shaqaalaha iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshadu wuxuu wax caawin karaa, tusaale ahaan markuu ardaygu dhibaatooyin kala kulmo iskuul dhigashada ama xiriir saaxiibeedka, ama hadday ardayga noloshiisa ku yimaadaan isbeddello. Waalidkuna waxay shaqaalaha iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshada kala hadli karaan waxyaabaha ku saabsan xaaladda qoyska ama arrimaha barbaarinta.

Shaqo qoys (Perhetyö)

Shaqo qoysku waa waxqabad qoysaska lagu taageero, si ay isaga debberaan waxyaabaha nolosha caadiga ah ee jira iyo xaaladaha kala duduwan ee nolosha. Degmooyinka kala duduwani way ku kala duduwan yihiin shaqo qoysku waxyaabaha ay ka kooban tahay iyo hababka loo sameeyo

Sharciga Badbaadada Carruurta (Lastensuojelulaki)

Xeerarka khuseeya badbaadada carruurtu waxay ku qeexan yihiin Sharciga Badbaadada Carruurta.  Waxaa isna ku lifaaqan xeerka arrimaha bulshada, xeerka daryeelka ilmahai yo xaquuqda la kulanka ilmahai yo weliba heshiiska xaquuqda ilmaha oo qeexeysa la dhaqanka iyo badbaadadda carruurta.

Siyaabaha sugida xaquuqda (Oikeusturvakeinot)

Siyaabaha sugida xaquuqda waa sidii lagu ilaalin lahaa xaquuqda macmiilka. Haddii uu arko in xaqdaro loogu adeegey ama arrimaha badbaadadda carruurta, arrinka horey ayuu ugu gudbin karaa si loogu xaliyo qaab caddaalad ah. Muhiimaduna waxay tahay sidii lagu ilaalin lahaa daryeelka arrimaha bulshada ama sugida xaquuqda macmiilka badbaadadda carruurta si xaq ah ugu qabsoonto. Masuuliyiinta waxaa ku waajib ah iney siiyaan talo macmiilkuna uu xaq u leeyahay inuu ogaado ujeedka masuulka. Sida arrinka horey loogu wadayana waa qaab laga heshiiyey.
W

Waalidiinta ku meelgaarka ah (Sijaisvanhemmat)

Qoyska ku meelgaarka ah waalidkiisa ayaa la yiraahdaa waalidiinta ku meelgaarka ah. Waalidiinta ku meelgaarka ah waxaa kaloo lagu magacaabaa qoysaska daryeelayaasha ah.

Wargelin horudhac badbaadadda carruurta (Ennakollinen lastensuojeluilmoitus)

Wargelinta horudhaca ee badbaadadda carruurta intuusan ilmahu dhalan kahor, haddii uu jiro tuhun, inta uusan dhalan ilmuhu inuu u baahan yahay kaalmooyinka badbaadadda carruurta. Xaalada noocaasa waxay noqon kartaa tusaale, haddii waalidku yihiin kuwo si ba’an u isticmaala mukhaadaraadka ama qaba dhibaato dhanka dhimmirka. Markaa waxaa loo diyaarinayaa horin kaalmeed, daryeel ama baxnaanin waalidkii inta uusan dhalan ilmuhu.

Wargelinta badbaadada carruurta (Lastensuojeluilmoitus)

Wargelinta badbaadada carruurta macneheedu waa qofka shaqaalaha sooshalka ah baa wuxuu helay war ku saabsan ilmo ay suuragal tahay inuu caawimo u baahan yahay. Wargelinta badbaadada carruurta waxaa loo soo gudbiyaa xafiiska sooshalka ee degmada, waxaana loogu soo gudbin karaa telefoon ahaan,qoraal ahaan ama iyadoo shakhsi ahaan loo yimaado xafiiska sooshalka. Wargelinta badbaadada carruurta waxaa soo gudbin kara qof walba oo ka welwelsan nolol wanaagga ilmaha. Shaqaalaha maamulka ee la shaqeeya qoysaska iyo carruurta waxaa waajib ku ah inay soo gudbiyaan wargelinta badbaadada carruurta, haddii ay ka welwelsan yihiin nolol wanaagga ilmaha.

Waxbarashada hore (Esiopetus)

Waxbarashada hore waxaa loogu talagalay dhammaan carruurta aan da’da iskuulka gaarin, waxaana la dhigtaa sannadka ka horeeya wakhtiga waajibaadka waxbarashadu bilaabanayo. Sida caadiga ah ilmuhu wuxuu waxbarashada hore bilaabaa sannadka uu lix jirsanayo. Marka lagu jiro wakhtiga waxbarashada hore, iyadoo la isticimaalayo ciyaarid iyo wax wada samayn ayuu ilmuhu bartaa aqoonta iyo xirfadaha uu u baahan doono markuu iskuulka bilaabo. Ilmo walba xaq buu u leeyahay, inuu helo waxbarashada hore ee degmadu qabanqaabiso oo lacag la’aan ah, laakiin waalidka ayaa iska leh go’aan ka ah, in ilmohoodu ka qaybqaadanay.

Waxbarashada khaaska ah (Erityisopetus/erityisopettaja)

Waxbarashada khaaska ah waxaa loogu talagalay ardayda xagga iskuul dhigashada u baahan taageero khaas ah. Sababuhu noocyo badan bay noqon karaan, sida tusaale ahaan waxbarashada oo ku adag (oppimisvaikeudet), jirro, daahitaan horumarka koriinka ah ama sabab kale oo u dhiganta. Waxbarashada khaaska ah waxaa lagu dhigan karaa, Iskuulka ilmuhu dhigto fasalka caadiga ama fasalka khaaska ah. Baraha khaaska ah ayaana waxbaraya, kaasoo leh cilmigeeda iyo aqoonta macalinimo ee uu wax kaga caawin karo ardeyga

Waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan (Avohuollon tukitoimet)

Waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan waa adeegyo qoyska loo qabanqaabiyo oo taageeraya, caawinayana ilmaha iyo waalidka iyagoo gurigooda ku nool. Waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan qofku laguma khasbo ee waa inuu isagu ogolaado, waxayna ku salaysan yihiin wadashaqayn lala sameeyo qoyska. Waxqabadyada taageerooyinka ah waa kuwo mar walba si gaar ah loogu qorsheeyo cidda loogu talagalay, si ay u noqdaan kuwo ku haboon baahida ilmaha iyo qoyska. Ilmaha keligii baa loo qabanqaabin karaa waxqabadyo taageero ah ama waalidka oo keliya, amaba qoyska oo dhan baa si wadajir ah loogu qabanqaabin karaa. In waxqabadyada taageerada loo baahan yahay waxaa lagu qoraa qorshaha macaamiisha. Go’aanka ku saabsan waxqabadyada taageerada ee qoyska loo ogolaaday waxaa gaara shaqaalaha maamulka. Qoyskuna wuxuu dalban karaa in go’aanka la gaarey la beddelo.
X

Xadidaadaha la sameeyo (Rajoitustoimenpiteet)

Xadidaadaha la sameeyo ee la isticimaalo markay jirto daryeel ku meelgaar ah waa sida wada xiriiridda oo la xadido, baaritaanka qofka iyo qabasho. Shuruudaha ku saabsan xadidaadaha la sameeyo oo dhan iyo isticimaalidoodu waxay si faahfaahsan ugu qeexan yihiin sharciga. Xadidaadaha la sameeyo waxaa isticimaali kara oo keliya xeryaha, laakiin xadidaadada wada xiriiridda ah waxaa kaloo isticimaali karaqoyska daryeelaha ah.

Xafiiska sooshalka (Sosiaalitoimisto tai sosiaalitoimi)

Degmo waliba waxay leedahay xafiis sooshal, kaasoo dadka degmada deggan ay ka helaan adeegyo kala duduwan iyo caawimooyin. Xafiiska sooshalka ayaa u xilsaaran adeegyada badbaadada carruurta.

Xaqiijinta xaalada (Olosuhdeselvitys)

Maxkamadda ayaa waxay ka codsan kartaa shaqadii sooshalka iney usoo gudbiyaan xaqiijinta xaalada, taasoo laga ogaan karo xaalada ilmahai yo waalidkaba, markii la xalinayo is mari waaga cida daryeelka ilmaha leh. Dalabka macluumaadkaas waxaa dalban kara oo keliya maxkamadda, markii ay u aragto iney muhiim u tahay xal ka gaarista arrinka. Xaqiijinta xaalada waxaa ku daabacan sida ilmaha iyo waalidka aragtida ay ka qabaan arrinka, taasooy ugu arkaan iney ahaan karaan cida  ilmaha masuulka  iyo barbaariye ka ah.

Xarunta qoysaska (Perhekeskus)

Xarunta qoyska waxay qoysasku ka helaan adeeg. Wuxuu isu keenaa howlaha adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka reeraha carruurleyda, waxbarashada iyo weliba hay’adaha, mowlacyo masiixiyeedka iyo urur diimeedyada kale. Xarunta qoysaska shaqaalahooda ayaa wadashaqeyn hufan la sameynayo, si reerku u helaan si fuddud caawimaada ay u baahan yihiin. Rugaha kulanka qoysaska waxaa ka qeyb ah xarunta qoysaska. Rugta kulanka waxaad kula kulmi kartaa  qoysas kale, waxaana ka heli kartaa talo waxyaabaha kaleed caawimada uga baahan tahay.

Xerada badbaadada carruurta (Lastensuojelulaitos)

Xarada badbaadada carruurtu waa meel carruurta lagu hayo oo dad shaqaale ah oo loo soo tababaray ay u xilsaaran yihiin daryeelka carruurta iyo dhallinyarada meeshaas lagu meeleeyey. Xerayaha badbaadada carruurta waxaa ka mid ah tusaale ahaan guryaha carruurta, guryaha dhallinyarada, guryaha qaabilaadda, guryo iskuuleedyada iyo xarumaha taageerooyinka qoysaska iyo daryeelka danbe. Finland ma waaweyna xeryaha ee waxaa leysku dayaa xeryuhu iney ahaadaan guryo camal. Hawl walbooy xeryuhu qabanayaan waxay u hogaansan yihiin dasduurka, howshooduna waa lagu kormeeraa.
Xir