Skip to content

Iskuulka

Ilmaha sida rasmiga ugu nool Finland waxaa waajib ah iney iskuul dhigtaan, taasoo macnaheedu yahay in ilmo walbaa dhigto iskuul, ama uu dhigto waxbarashada aasaasiga ee qasabka ah. Iskuulku wuxuu bilaabaa ilmuhu sanadka uu buuxinayo 7 jir. Waxbarashada waajibka ahna waxay ku egtahay markuu noqdo 18 jir ama hadduu isagoo ka yar uu dhameeyey tacliinta dhexe.

""

Waxbarashada dugsiga hoose waa 1–6 dugisga dhexe waa 7–9 kadibna da’yarkii wuxuu u gudbaa tacliinta dhexe oo ah iskuulka farsamada ama dugsiga sare.

Waxbarashada aasaasiga iyo tacliinta dhexeba Finland waa u lacag la’aan ardeyga. Waxaa wabarista u dheer agabka waxbarashada iyo buugaagtaba iyo raashinka iskuulka yihiin lacag la’aan. Waxbarashada aasaasigana Finland inaad ku barato finnishku inuu yahay luuqada labaad..

Waxbarashada ardayga u diyaarineysa waxbarashada aasaasiga ah

Waxbarashada ardayga u diyaarinaysa waxbarashada aasaasiga ah waxaa loogu talogalay carruuraha, kuwaasoo aan aqoonta luuqadooda finnishku filneyn iney waxbarashada caadiga. Aqoonta luuqada waxaa qiimeyn ku sameynaya aqoonyahano ma aha waalidka cida qiimeyneysa. Waxbarashada diyaarinta ah marka lagu jiro waxaa si gaar ah xoog loo saaraa oo la bartaa luuqadda finnish.

Howlaha gelinka hore iyo gelinkadanbe

Iskuulleyda howlaha gelinka hore iyo gelinka dambe waa naadi waqabad  ama howlaha xiliga fasaxa, taasooy carruurta ka qeybqaadan doonaan iskuulka ka hor ama iskuulka kadib. Muhiimada weyn ee loogu talogaley waa  ardeyda fasalka kowaad iyo fasalka labaad.

Wada shaqeynta guriga iyo iskuulka

Wada shaqeynta wanaagsan ee kolsiinada ku jirto ee iskuulka iyo gurigu wada sameynayaa waxay ka caawisaa ilmihii inuu waxbarto jecleysatana iskuulkii. Kalsoonidu waxay xoogeysataa markey waalidkii iyo macalimiintii iskuulka ay si wanaagsan isku bartaan. Wada shaqeyntana waxaa lagu yeelan karaasida ka wada sheekeysiga qiimeynta ardeyga iyo habeenka waalidiinta. Inta badan fariimahana waxaa leysugu dirayaaqaab elektaroonik ah (tusaale Wilma).

Waalidkuna waa iney iyagaba ahaadaan kuwo joogto uga warhaya iskuulka. Haddii waalidku walwel soo wajaho ilmaha ama dhigashada iskuulkiisa, aad bey muhiim u tahay inuu si geesinimo leh ula soo xiriiro ama kala hadlo macalimiinta sida ugu dhaqsaha badan.

Ka caawinta dhigashada iskuulka iyo daryeelka waxbarasho

Ilmo walbaa xaq buu u leeyahay inuu helo waxbarasho ku filan iyo kaalmo dhigashada iskuulka iyo waxbarashada. Haddii ay jiraan caqabado ilmihii dhanka dhigashada iskuulka, waxaa wanaagsan inaad kala hadasho macalinka iskuulka ama foomestarka ilmaha. Haddii macalinku walwel galana sida waxbarashada waa inuu la xiriiraa gurigii si wadajir loogu qorsheeyo.

Caawimada waxbarashada iyo caqabadaha kale waxaad ka heleysaa daryeelka waxbarashada. Macalinka ayaa soojeedin sameyn kara haddii uu arko inardeygu u baahan yahay kaalmo. Sidoo kale ardeyguba iskiis waa ula xiriiri karaa daryeelka waxbarashada. Daryeelka waxbarashada mid iskeed ah, waxayse ku waajibineysaa ilmihii ama da’yarkii ama waalidka iney aqbalaan.

Daryeelka waxbarashada iskuulka waxaa dardargeliya barayaasha, caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Howshooduna waa sidii ay ku horumarin lahaayeen ugana caawin lahaayeen waxbarashada iyo ladnaanshihiisa jir iyo maskaxba.

Kalkaalisada iskuulka ayaa baaris caafimaad joogta iyo caafimaadka ilkahaba ka helayaa adeegooda, sidoo kale iskuulka wuxuu kaloo ka heleyaa shaqaalaha iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshada adeega cilminafsiga, FIIishetirtoorka ayaa siinato talo iyo tusmeynba, haddii ardeygu ka walwalsan yahay maankiisa, ama culeys dhanka reerka, ama caqabad dhanka asxaabta. Cilminafsiga ayaa ka caawinaya  xaalada caafimaad ee nafsiyan isaga ayaana ah qabiirka ku shaqada leh markii ay ku adkaato waxbarashada . Iskuulka iyo daryeelka waxbarashada shaqaalahooda wyaa haddii loo baahdna waa shaqeyn la yeelan kara sida shaqaalaha qoyska, rugta qoysaska, rugta dhalaanka iyo hooyooyinka iyo badbaadadda carruurta.

daryeelka waxbarashada bulshada waa arimaha iskuulka u gaarka ah ansaxiyana amniga nawaaxiga iskuulka kana hortaga in qashqashaad, dagaal ama carqaladeynka dhaco iskuulka,
Iskuul walbaa waa inuu leeyahay qorshe looga  kahor tagayo qashqashida, sidii looga hortagi lahaa ama wax looga qaban lahaa.

Haddii iskuulka ama howlaha gelinka hore iyo gelinka danbe shaqaalahooda ay ka walwelaan in ilmihii khatar ku jirto kobociisa iyo koriimadiisaJos waxay la xiriiri kartaa sooshalka degmadaas ilmihii ama waalidka oo la jooga. Haddii aysan suurogalin markaa la xiriirista iyagoo wada jooga ama xaaladu tahay mid degdeg oo loo baahanyahay badbaadadda carruurta, waxaa waajib ah markaas in masuulka shaqaalaha uu la xiriiro uuna sameeyo wargelin badbaadadda carruurta ah. Ka aqriso dheeri, maxaa dhacaya lasoo xiriirista ama wargelinta badbaadadda carruurta kadib beejka macmiil ka ahaansha daryeelka arrimaha bulshada.

Aqri midka xiga

Shaqada dhalinyarada

Shaqada dhalinyarada

Goobaha lagu kulmo

Goobaha lagu kulmo

Barbaarinta hore

Barbaarinta hore

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir