Skip to content
""

Kaalmo nolol malmeedka

Finland deegaanka ayaa u caawiya waalidka iyo carruurta siyaabo kala duwan. Waxaa jira adeegyo badan  oo dadka ka dhaxeeya, sida rugta dhalaanka iyo hooyooyinka, barbaarinta hore/xannaano ama iskuulka.

Waad heleysaa kaalmo

Qoys walba mararka qaar wuu u baahanayaa kaalmo dhamaan waalidiinta mar uun wey kala kulmayaan caqabad barbaarinta carruurta wakhtiyada qaar. Waalidiinta ajaanibta ah laqabsashada wadanka waxay uga baahan tahay tamar dheeriya sidey baraarinta iyo kobcinta carruurta iyo dhigashada iskuulka oo mararka qaar adag u foojignaanshihiisa.

Barbaarinta hore. xannaanooyinka iyo iskuullada waxay wada shaqeyn la leeyihiinn daryeelka arrimaha bulshada iyo badbaadadda carruurta. Dhamaan meelahaas oo dhana waad ka heleysaa talooyin, caawinaad caqabadahanolol maalmeedka iyo kaalmo waalidnimo.  Adeega degmada iyo hay’adaha, mowlacyada masiixiga iyo urur diimeedyada kale ayaa iyaguna kaalmooyin kala duwan siiya, sida ka caawinta daryeelka ilmaha ama qof caawiye ah kaalmeeyaha qoyska ama howlaha qibrad waddaaga.

Caawimo weydiiso

Inta badan bogga degmada wuxuu leeyahay guji halkan ”caawimo ayaaan rabaa” ama ”Caawimo weydiiso” markaad gujiso ayaad ku reebi kartaa fariin in lagula soo xiriiro si kalsooni leh.

Hay’adaha qaar beejajkooda waxay leeyihiin inaad qaab qoraal ah ”chatti” inaad kula sheekeysan karto, halkaasoo lagaa sii hagi karo qofka adeega ku habboon..

Howlaha adeega carruurta iyo reeraha ilmooleyda in la isugu keeno xarun dhexe oo qoysaska

Xarunta qoyska waxaa loola jeedaa carruurta, dhalinyarada iyo gebi ahaan adeegyada qoysaska, taasoo lagu middeeyey adeega arimaha bulshada iyo caafimaadka ee qoysaska, tacliinta, iyo hay’adaha, mowlac masiixiyeedka iyo  urur diimeedyada kale howlahooda. Rugta kulamada qoysaska waa qeyb kamida xarunta qoysaska.

Aqri midka xiga

Goobaha lagu kulmo

Goobaha lagu kulmo

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka

Barbaarinta hore

Barbaarinta hore

Iskuulka

Iskuulka

Shaqada dhalinyarada

Shaqada dhalinyarada

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir