Skip to content

Siyaabaha sugida xaquuqda

Haddii aad tabaneyso in si xaqdaro ah kuula dhaqmeen adeega daryeelka bulshada ama arrimaha badbaadadda carruurta waxaad arrinta usii gudbin kartaa si ay xal looga gaaro. Sidaa darteed ayaa waxaa jiro niddaam cadaalada ku saleysan:: Ujeedkeeduna uu yahay in lagu sugo xaquuqda macaamiisha adeega bulshada ama  badbaadadda carruurta sida kalena lagu illaaliyo inuu qofkaasi cadaalad helo.

""

Masuuliyiintu iyagey waajib ku tahay iney talo siiyaan

Masuulku waa waajib saaran oo dastuuri ah inuu macmiilko talosiiyo hadduu u baahan yahay. Waalidku iyo ilmuhuba waa iney ogsoon yihiin xaquuqdooda iyo waajibaadkooda. Arrimo badan oo lagu kala duwan yahay waxaa xal looga gaari karaa wada hadal iyadoo toos loola xiriiri karo qofkii masuulka ahaa ama maamulihiisa. HAddii aaad u aragto inaadan helin xaquuqdaadii ama aad u aragto in si xun laguula dhaqmey, waxaad magan uga noqon kartaa siyaabaha sugida xaquuqda.

Dastuurka waxaa ku cad in, go’aanka uu masuulku gaara laga qaadan karo racfaan iyadoo loo marayo cadaalada/maxkamadda. Howlaha ay masuuliyiintu waa la sameyn karaa in xasuusin ama dacwo iyo in haddey inta go’aamisey yihiin laamo badan.

Udoode arrimaha bulshada ayaa kaa caawinaya wixii maandhaaf ah

Adeega bulshada ayaa u sameysan in haddii aad rabto arrinka aad ugeyn karto qof dhexdhexaad ka ah haddii aad u aragto in xaquuqdaadii lagu xad gudbey. Sidaa darteed ayey degmo walba leedahay udoode arrimaha bulshada. Howsha looga gol leeyahayna waxay tahay ilaalinta xaquuqda macmiilka ka talosiinta daryeelka bulshada, ka caawinta iyo ku wargelinta arrimaha. Udoode arrimaha bulshada waad ka codsan kartaa in ku kaalmeeyo maslaxadana qeyb ka noqdo, haddii aadan ku qanacsaneyn adeega ama sida laguula dhaqmey. Udoodaha arrimaha bulshada xogtiisa waxaad ka heleysaa degmada aad ku nooshahay bogooda internetka.

Xasuusin

Waxaad sameyn kartaa xasuusin haddii daryeel liita ama si xun laguula dhaqmey. Xasuusintu waa sida ugu dhaqsaha badan ee marka horeba lagu wargeliyo waxayaabaha aan kula qumaneyn. Xasuusintaasna waad wada sameyn kartaan adiga iyo u doodaha arrimaha bulshada, isagaa garanayo cida masuuliyada iska leh iyo cida xasuusinta loo dirayo. Xasuusintana waa in had iyo goor aad ka heshaa jawaab, xitaa haddeysan aheyn mid sababeysa magdhow ama wax u baahan in wax laga qabto.

Xaquuqda qaadashada racfaanka – racfaan iyo wax kabadelis

Sugida xaquuqda waxaa sal u ah in, qof kastaa uu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato go’aanka la siiyey. Sida uga fiican waxay tahay racfaan ka qaadashada sababtoo ah dib ayaa waxaa loo baarayaa go’aankii uu qaatey masuulka. Go’aan walbana ma aha in racfaan laga qaadan karo: Dastuurka waa ku cad yahay maxkamaddeynta Badbaadadda carruurta badi go’aamada noocaan ayey wataan, markaasna kalfadhi maxkamaddeed ayaa wax ka bedeli kara ama gebi ahaan bedeli kara dulucda go’aanka.

Qeybaha gaar arrimaha badbaadadda carruurta waa in racfaanka kahor aad kalfadhi maxkamad ku weydiisataa in go’aanka wax laga badelo ee adeega bulshada. Ujeedkeeduna yahay in fursad loo siiyo shaqaalihii degmada inuu dib ugu noqdo go’aankiisa. Taasna waxaa la yiraah in wax kabedel  inta aysan u gudbin kalfadhiga maxkamadda.

Markii arrinku yahay xaquuqda ilmahai yo waalidka sugida xaquuqdooda waxaa muhiim ah in qaasatan go’aanka xaq u leeyahay toos inuu ugu qaato racfaan gudiga caddaalada, haddaan la raacin niddaamka cadaalada ee kor xusan. Waxay ahaan karaan markaa la wareegista degdega ah ama go’aanka xakameynta la soo xiriirista..

Qaadashada racfaanka waxaa waxaa kaa talosiinaya udoodaha arrsimaha bulshada ee degmada. Qofka annan heysan daqli ku filan wuxuu heli karaa qareenka dadweynaha oo dowladu bixineyso kharashkiisa.

Cabasho

Cabashadu waa mid u muhiim ah sugida xaquuqda, sababta waxaad u adeegsan kartaa siyaabo badan oo racfaan, xitaa waxaad isticmaali kartaa markaanan lagu siin fursad aad racfaan ku qaadato. Cabashada inta badan waxaa loo gudbiyaa maddaxa sare ama masuulka gaarka ah, kaasoo shaqadiisa tahay kormeerida shaqada masuul kale qabtey iney tahay wax sharciga waafaqsan. Tusaale waxaad weydiin kartaa udoodaha arrimaha bulshada cida markaa ku habboon howshaas..

Cabashada waad sameyn kartaa, haddii masuulku uu yahay midaan sharciga u hoggaansamin ama waxa uu sameeyey aheyd wax khaldan ama anshax xumo. Cabashada waad sameyn kartaa  sidoo kale haddii arrinku yahay, taasood racfaanka ka qaadaneyso, si taxdar lena waa in dul mar loogu sameeyaa, sidoo kalena lagu wargeliyaa waxa suurogal ka dhalan kara ama laga yeelayo..

 

 

 

Aqri midka xiga

Macmiilnimada badbaadadda carruurta

Macmiilnimada badbaadadda carruurta

Mudnaanta hore waa daryeelka furan

Mudnaanta hore waa daryeelka furan

Meeleynta meelgaarka ah

Meeleynta meelgaarka ah

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir