Skip to content

Xaquuqda carruurta

Dhamaan carruurta iyo qoysaska carruurleyda waxay qeyb ka yihiin dastuurka wadanka. Dastuurka Finland waa mid mudnaan lagu siiyey bulshada, heshiisyada caalamiga. Carruurtuna mida u muhiimsan waa sida uu qabo heshiiska QM.

 

""

Mudnaanta hore waxaa iska leh xaquuqda carruurta, markii reerka loo sameynayo adeega dadweynaha, kaalmada iyo caawinaada xaquuqda carruurta  waxaa saameyn ku yeelanaya fikirka waalidka, reerka iyo barbaarinta.

Heshiiska xaquuqda carruurta wuxuu ku bilowdaa in, masuuliyadda carruurta barbaarintooda iyo kobcintooda leeyihiin waalidka iyo cida ka masuulka. Deegaanka inta badan wuxuu isku deyaa siduu uga kaalmeyn lahaa waalidka howshaas.  Qosaska ilmoyleyda waa in wakhti hore oo munaasib ah la caawiyo.

Heshiiska guud ee xaquuqaha ay carruurtu leeyihiin

Ilmo waliba wuxuu xaq u leeyahay, inuu helo carruurnimo wanaagsan oo nabadgelyo leh. Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay koraan oo iskuul dhigtaan iyo weliba inay dheeldheelaan oo ka qaybqaataan. Ilmo waliba wuxuu kaloo xaq u leeyahay magangelyo iyo daryeel. Dhammaan xuquuqaha ay carruurtu leeyihiin oo dhan waxaa la isugu soo ururiyey heshiiska guud ee xuquuqaha ay carruurtu leeyihiin ee Qaramada Midoobey. Heshiisku waa wax si guud ahaan ah loo aqbalay oo a xuquuqaha ay tahay inuu ilmo walba lahaado, xuquuqahaasina kuma xidhna asalka ilmaha, ha ahaato dhalashadiisa, diintiisa ama hantida qoyskiisa. Heshiisku wuxuu khuseeyaa qof walba oo 18 sano ka yar.

Waddamada adduunka intooda badan way aqbaleen heshiiskan. Heshiiska guud ee xuquuqaha ay carruurtu leeyihiin wuxuu waddanka Finland ka hirgalay sannadkii 1991. Heshiisku wuxuu dadka u qabtaa sida sharcigu dadka u qabto oo kale, sidaas darteed waddamada, degmooyinka, shaqaalaha maamulka, carruurta waalidiintooda iyo dadka kale ee qaangaarka ah waxaa waajib ku ah inay heshiiska u dhowraan si la mid ah sida sharciyada loo dhowro. Heshiiska guud ee xuquuqaha ay carruurtu leeyihiin iyo sharciyada Finland baa si wadajir ah u sugaya xuquuqda carruurta. Sharciyada Finland waxaa ku jira qodobo badan oo dhigaya, in carruurta loola dhaqmo si sinnaan leh oo ah inay shakhsiyaad yihiin, carruurta oo dhanna waa in si isku mid ah xil la isaga saaraa.

Sharciga ayaa xoojinaya heshiiska xaquuqda carruurta

Heshiiska xaquuqda carruurta waa muqadas, sida qodob dastuuri ah. Dowladaha, degmooyinka, waalidka carruurta iyo dadyowga masuuliyiintuba waa iney u hoggaan sanadaan heshiiska.

Waxaa heshiiskaas u dheer oo lagu ilaalinayaa xaquuqda carruurta sharciga Finland. Finland waxay leedahay qodobo badan, taasooy waajib tahay in sigaara oo sinnaan ku jirto lagula dhaqmaa carruurta.

Danta ilmaha ayaa ugu muhiimsan

Dhammaan go’aanada laga gaarayo ilmaha wa in mudnaanta la siiyaa danta ilmaha. Waxaa dhici karta inay adkaato in la qeexo siday ilmaha dantiisu ku jirto, sababtoo ah waxaa dhici karta in dadka kala duduwan fikrado kala duduwan ka haystaan waxa ilmaha u fiican. Danta ilmuhu siday ku jirto macneheedu ma aha, in mar walba go’aan ama xal lagu gaarayo siduu ilmuhu rabi lahaa ama siday waalidkiis rabi lahaayeen. Marka la eegayo siday ilmaha dantiisu ku jirto, ilmaha fikradiisu waa muhiim, laakiin khasab ma aha in ilmaha fikradiisa iyo ilmaha dantiisu siday ku jirtaa isku mid yihiin..

Ilmuhu waa ka qaybqaadan karaa

Danta ilmaha waxaa muhiim ah inuu ilmuhu ka qaybqaadan karo, marka arrimaha isaga khuseeya la falanqaynayo iyo marka la qorshaynayo. Waxa go’aanka laga gaarayo iyo sababtu waxa ay tahay waa in si ku filan loogu sharaxaa ilmaha, si uu arrinta fikrad uga yeesho oo fikradiisa u sheego. Qof walba , xitaa ilmo ha ahaadee wuxuu mar walba xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato falanqaynta arrimihiisa lagu samaynayo. Taasina xad da’da ah ma laha. Iyadoo la tixgelinayo ilmaha da’diisa iyo heerka horumarka koriinkiisa ayaa la dhegeystaa ilmaha fikradiisa iyo waxyaabaha uu rabi lahaa. Tusaale ahaan ilmaha yar oo kale waxaa dareemadisa loo kuurgeli karaa oo la ogaan karaa iyadoo loo fiirsanayo siduu u dhaqmayo iyo ciyaaraha uu ciyaarayo. Ilmaha weyn shaqaaluhu waa inay arrimaha jira ugu sheegaan si uu u fahmi karo.

Ilmaha ay 12 sano u buuxsantay awood hadal oo arimo badan buu u leeyahay isagu. Awoodda hadalka macneheedu waa in marka laga hadlayo arrimaha khuseeya badbaadada carruurta fikradda ilmaha waa in loo tixgeliyaa si la mid ah sida loo tixgeliyo fikradaha dadka qaangaarka ah.  Tan ah inuu ilmuhu ka qaybqaadan karo arrimaha isaga khuseeya falanqayntooda, macneheedu ma aha inuu ilmuhu go’aanka gaarayo. Dadka qaangaarka ah bay waajib ku tahay inay go’aamada gaaraan, qaadaanna go’aamada ay gaareen masuuliyadooda.

 

 

 

Lue seuraavaksi

Xir