Skip to content

Shaqada dhalinyarada

Muhiimada shaqada dhalinyarada waa caawinta da’yarta kamid ahaanshaha iyo iney yeeshaan saameyn. Dhalinyarada waxaa la siinayaa fursad ay si iskooda ay wax u sameystaan, helaana waxyaabo ay ku qanacsan yihiin wakhtina kuwada qaataan. Sidaas ayeyna dhalinyaradu si amni ah ugu tababaran karaan si xor sidey wax uga qabsan lahaayeen bulshada Cadaalada iyo sinnaanta ayaa ah muhiimada dhalinyarada.

""

Degmada, ha’yadaha iyo mowlacyada ayaa u qabanqaabiya waxqabad dhalinyarada: jimicsi, naadiyo kala duwan, barnaamijyo iyo dalxiis. Xarumaha dhalinyarada (Nuorisotalot) waa goobaha ay ku kulmi karaan inta isku nawaaxiga ahsi amni ah dad masuuliyanana ay goobjoog ka yihiin hagayaana, shaqaalaha dhalinyaraduna hadba meesho ay dhalinyaro joogto ayey iyaguna joogaan, tusaale magaalada.

Sidoo kale shabagadaha ay dhalinyaradu ay badi wakhtiga ku qaataan ayey si kalsooni leh ugala sheekeysan karaan ama ay ka heli karaan talooyin. Sidoo kale booliisku xitaa waxay leeyihiin shabagad waxayna wada shaqeyn la leeyihiin sooshiyaalka iyo u adeegayaasha dhalinyarada si ay uga badbaadiyaan ilmihii ama dhalinyaradii kuwo aannan laga faa’iideysan si ay faldenbi ah iyaguna aysan denbiile u noqon. Si arrimaha adeega dhalinyaradu u horumaraan waxaa ka shaqeeya laamo kala duwan oo dastuurkuna ku waajibinayo.

Haddii shaqalaaha dhalinyarada gobolku ay walwel ka qabaan in, ilmihii khatar ku jirto kobociisa iyo koriimadiisaJos waxay la xiriiri kartaa sooshalka degmadaas ilmihii ama waalidka oo la jooga. Haddii aysan suurogalin markaa la xiriirista iyagoo wada jooga ama xaaladu tahay mid degdeg oo loo baahanyahay badbaadadda carruurta, waxaa waajib ah markaas in masuulka shaqaalaha uu la xiriiro uuna sameeyo wargelin badbaadadda carruurta ah. Ka aqriso dheeri, maxaa dhacaya lasoo xiriirista ama wargelinta badbaadadda carruurta kadib beejka macmiil ka ahaansha daryeelka arrimaha bulshada.

Aqri midka xiga

Goobaha lagu kulmo

Goobaha lagu kulmo

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka

Rugta dhalaanka iyo hooyooyinka

Barbaarinta hore

Barbaarinta hore

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir