Skip to content

Barbaarinta wanaagsan

Dunida habka barbaarinta ubadka waa lagu kala duwan yahay. Kala duwaanshahaas wuxuu noqon karaa tusaale wixii aad dhaqan wanaaga u aragto iyo sida  loo xakeemeeyo/xadidis  ilmaha.

""

Finland waxaa lagula taliyaa iney ilmaha u barbaariyaan shi dhiirigelin leh. Waalidkuna qeyb weyn bey ka yihiin nolol maalmeedka ilmaha, dhiirigelin iyo kaalmo. Ilmaha xitaa waxaa lagu dhiirigeliyaa inuu si iskiisa u fiikiro, baarbaarinta lagu dhiirigeliyo waxay ka caawisaa ladnaanshaha, inuu isku farxo iyo dad la dhaqan. Ilmihiina wuxuu baranayaa muujinta iyo xal u helista dareenkiisa.

Cinqaabta edbinta ilmahu waa mamnooc

Waalidku xaq ayey u leeyihiin masuuliyadda xakameynta ilmahooda. Waalid walba waxaa lasoo gudboonaan kara xaalad ah inuu wax ka qabto siduu ilmihii u dhaqmayo. Sharciga Finland waa ay ka reeban tahay wax walba oo jir ahaan loo geesto ilmaha. Ilmaha yet laguma dhufan karo ama in tinta lagu dhego. Siduu kale waxyeelo nafsiyan ah xitaa looma geysan karo sida inaad caaydo ilmihii, yasto, u hanjabto, cabsi geliso, qalbijab iyo qeylaba aad u geysato waa mamnooc.

Ilmuhu edbinta cinqaabta uma wanaagsana. Waxay gelistaa cabsi iyo welwel. Cilmibaarista la sameeyey ilmaha lagu edbiyey si cinqaab leh waxay noqotaa mid isagana laga sii dhaxlo oo jiilka danbe ayuu usii gudbiyaa, taasoo macnaheedu yahay yet qaadista dadka waaweyn, kaasoo carruurnimadiisii wax lagu soo dhufan jirey.

Caawinaad iyo kaalmo barbaarinta caruurta ayaa jirta. Haddii aad caawimo u baahan tahay waxaa habboon inaad wakhti weydiisato talo tusaale rugta dhalaanka iyo hooyooyinka, rugta qoysaska, xanaanooyinka ama iskuulka. SIdoo kale talosiinta iyo adeega sooshalka qoysaska carruurleyda ah ayaa ku caawin kara.

 

 

 

Aqri midka xiga

Isu gacan qaadka qoyska

Isu gacan qaadka qoyska

Dhaqanka waxyeelada

Dhaqanka waxyeelada

Xaaladaha furriinka

Xaaladaha furriinka

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir