Skip to content

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Marie waa keli daryeele ilmihii labaad dhali rabta. Kumbiyuutarkii la saarey ayaa lagu ogaadey in, ilmaha uurka ku jiro dhanka wadnaha caqabad ka heysto. Marie waxay ka walwalsan tahay, sidii ilmahaas yar iyo midka iskuuleyda ah. Si wadajir ah iyada iyo rugta dhalaanka ayaa waxay ula wada xiriireen badbaadadda carruurta markii uu ilmihii dhashayna, ayaa waxaa u billowdey macmiil ka ahaansha badbaadadda carruurta. Ilmihii weynaa waxaa inta hooyadu foolaneyso loogu meeleeyaa qoys kumeel gaar ah. Markii ilmihii dhashey  kasoo baxo isbitaalka waxaa loo sameeyaa shaqaale qoysaska oo guriga ugu imaanaya, kaasoo caawinaya hagayana qoyskii.

""

Fooshii baa soo dhowaatey Marie walwalkii baa kusii kordhey

Fooshii markey soo dhowaatey Marie walwal iyo baqdinta waayaha soo socda wey sii kordheen. Ilmaha aabahood weli sharci uu ku yimaado Finland ma uusan helin, sidaa darteed goobjoog kama ahaan karin nolosha ilmaha. Marie ma aysan heysan qof maciin ah ooy kaalmo weydiisato ama cid ay la sheekeysato. Mararka qaar ayey wacdaa hooyadeed oo qaarad kae ku nool, balse ma jecla inay walwal badan geliso.

Marien waxaa kurbadeeda kordhinaya in, uurka kadib dhakhtarku u sheegey in ilmaha dhalan doona u baahan yahay daryeel gaara isla markaasna aheyn mid sahlan xaaladiisa caafimaad.  Kalkaalisada rugta dhalaanka ayey aheyd meeshii ugu horeysey ee Marie ka maqashey badbaadadda carruurta ilmihii oon weli dhalan, in caawimo loo doonan karo. Waxay wadajir u sameeyeen wargelin badbaadadda carruurta waxaana hab qoraal ah ay ku go’aamiyeen in ay reerku helaan adeega badbaadadda crruurta, taasoo ilmihiina u baahan yahay daryeel caafimaad isbitaalka ah kadib markuu dhasho. Tani waxay wanaajisey niyadii Marie.

Fooshii ayaa timid xiligeedii kahor. Badbaadaddii carruurta ayaa ilmihii weynaa waxay si kumeel gaar ah qoys kumeel gaar ah kumeeleeyeen inta ay Marie ay kasoo baxayso isbitaalka ooy imaaneyso guriga. Qorshana waa lagu qorey iney Marie hesho shaqaale qoyseed ka caawiya guriga, haddii ilmuhu markaa u baahan yahay daryeel dheeriya.

Kaalmada waxaad ku heleysaa gurigaaga daryeelka ilmihii iyo ka caawinta iskuulka

Ilmihi ayaa dhicisnimo ku dhashey isla markiiba waxaa la geeyey isbitalka carruurta caqabada wadnaha darteed. Marie waxay timi gurigii balse wey tabardarneyd mana aysan awoodin iney si wanaagsan u socoto. Mana aysan awoodin in habeenkii ugu horeeyey seexato, sababta waxay dooneysey iney ilmaheedii yaraa la joogto oo ay naaska u deyso.

Marie guriga ayey caanaha isaga listaa, waxayna rabtaa iney ilmihii yaraa u geyso. Marie waxay badbaadadda carruurta siiyeen taksi ay u raaacdo isbitaalii intii dhowr jeer ah. Marie maalin walba waxay isbitaalka ku taktaa taksi muddo isbuuc ah, ilaa ay qaliinka kasoo kabsaneyso, waxaana suurogal ah wixii markaa ka danbeeya iney isticmaasho gaaddiidka dadweynaha.

Cunugii ayaa ugu danbeyntii yimid guriga, laakiin wuxuu u baahan yahay daryeel badan. Marie waxay ka walwalsan tahay cunugii weynaa, taasoon wakhti ku filan u heynin. Badbaaddada carruurta waxay sameeyeen go’aan horudhac in lagu kaalmeeyo Marie caawinaada ay u baahan tahay, haddii ilmuhu u baahan yahay daryeel dheeriya. Shaqaale qoyseedku wuxuu u imaanayaa si joogto ah isbuucii labo jeer kana caawineysaa daryeelka cunuga lana sheekeysanaysaa Marie. Sidoo kale waxay cunugii weynaa usaareysaa bannaanka ama dabaal iyo haddii loo baahdo iney ka caawiso haddii leylisyo u yaalaan.

Aqri midka xiga

Hooyadu ma awoodo keligeed

Hooyadu ma awoodo keligeed

Caawinaad ilmaha caqabada neerfo maskaxeedka

Caawinaad ilmaha caqabada neerfo maskaxeedka

Dagaalka qoyska

Dagaalka qoyska

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir