Skip to content

Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka

Amal waa dhowr iyo toban jir, iyada iyo waalidkeedna marar badan buu muran dhexmaraa. Waalidku raalli kama aha siday Amal u dhaqmayso. Amalna raalli kama aha sida adag ee waalidkeed u edbiyaan. Khilaafyadu way ka sii dareen. Amal waxay u baxsatay guriga ammaanka dhallinyarada (nuorten turvatalo). Shaqaalaha guriga ammaanka ayaa Amal la hadlay oo qoyska oo dhan u qabanqaabiyey kulan. Arrimaha wadahadal ayaa lagu dhammeeyaa.

""

Amal iyo waalidkeed waxaa ka dhexeeya iskhilaafyo aad u waaweyn

Amal waxay ahayd 16 jir. Hal sano ayey jirtey, markay iyadoo waalidkeed la socota Finland timi. Waxay ahayd gabadha carruurta qoyska ugu weyn, waxayna lahayd afar walaaleheed ah oo iyada ka yar yar. Aabbeheed makhaayad buu ka shaqayn jirey, hooyadeedna intay waddanka joogtey oo dhan carruurta ayey guriga ku haysey. Amal badanaa fiidadka iyo Sabtiyada iyo Axadaha aabbeheed bay caawin jirtey oo makhaayadda kala shaqayn jirtey. Hooyadadeena carruurta hayntooda ayey ka caawin jirtey oo walaaleheeda yar yar bay hayn jirtey.

Waalidku waxay ogaadeen in Amal iyadoo sakhraansan Jimcihii lagu arkay meel saldhiga tareemada u dhow. Amal waxay la socotey koox ay ku jireen wiilal iyada ka waaweyn. Arrintii iskhilaaf weyn bay guriga ka dhalisay. Waalidku way ku qayliyeen oo waxay yiraahdeen, Amal waxay jebisey xeerarkii qoyska u degsanaa oo ceeb bay u soo jiideysaa. Aabbuhu wuxuu yiri, gabadh hagaagsani wakhti dambe oo habeenkii ah cid walba bannaanka lama wareegto, sida dhallinyarada Finnishka ah oo kale. Amal waa loo diidey inay mar dambe Sabtiyada iyo Axadaha saaxiibadeed bannaanka u raacdo. Waxay bilowday inay ka soo horjeesato amarka waalidka. Iskhilaafyada iyada iyo waalidkeed dhex maraa waxay noqdeen kuwo marba marka ka dambaysa soo noqnoqoshadoodu sii badanayso. Iskhilaaf xun oo dhacay ka dib baa waxaa dhacay, inay Amal gurigii ka baxsatay, waxayna aadey guriga ammaanka ee dhallinyarada oo ay saaxiibadeed u sheegeen.

Amal markay guriga ammaanka timi waxay sheegtay, in waalidkeed aad u kontoroolaan iyada oo ay ka baqayso waalidkeed. Amal waalidkeed inta telefoon loo diray baa loo sheegay, inay gabadhu nabadqabto oo guriga ammaanka joogto. Waalidka waxaa loogu yeeray inay yimaadaan shir wadahadal ah. Aabbe telefoonkii la soo diray dartiis buu aad u xanaaqay, sababtoo ah wuxuu hore u maqlay, in Finland carruurta laga kaxeeyo gurigooda. Aabbe wuxuu yiri, sharciyada Finland waannu dhowrnaa, inkastoo aannu leenahay waxyaabo aanu barbaarin ahaan qiimayno. Wuxuuna sheegay, inay iyagu og yihiin waxa ilmohooda u fiican. Aabbaha waxaa loo shegay, in shirka loogu yeeray uu yahay caawimo wadahadal ah oo dadka loogu deeqo markay jiraan xaaladdo adag oo nolosha ah oo dadku ay u arkaan in aanay keligood xal u heli karin. Aabbe wuxuu yiri dadka aannu isnaqaan ayaannu ka heleynaa caawimo nagu filan ee gabadha guriga ha lagu soo celiyo.

Badbaadada carruurta la’aanteed ayaa la dhexdhexaadiyey khilaafkii ka dhexeeyey waalidka iyo qofka dhallinyarada ah

Markii dambe waalidku way ogolaadeen shirkii wadahadalka ahaa. Waxaa isna yimi qof taageero ah oo urur shacabka ah ka socda. Xaalku aad buu u adkaa. Markuu qofkii taageeraha ahaa Amal keligeed gaar ula hadlay, waxaa la ogaaday in waalidku aanay gabadha dilin. Hase yeeshee Amal waxay tiri, waalidkey lama noolaan karo, sababtoo ah sida caadiga ah si ka badan bay ii xadidaan. Waalidku waxay dareemayeen in aanay waxba awoodin. Waalidku waxay yiraahdeen, awoodii aannu lahayn waa nalaga xayuubiyey. Waalidku way ogaayeen, in aan la ogolayn in ilmaha la dilo oo jir ahaan loo edbin karin. Maadaama khilaafyada iyaga iyo Amal ka dhex dhacaa ay kuwo daran yihiin, waxay sameeyaan bay garan waayeen. Waalidku waxay sheegeen, inay gabadhu rabto noocyo madax bannaani ah oo aanay waalidku u ogolaan karin.

Waxaa la ogaadey, inay Amal qof saaxiibkeed ah ka maqashay badbaadada carruurta. Qofka saaxiibka ah wuxuu ku yiri, inaad aabbe wax ka maqasho khasab ma aha, oo ilmuhu hadduu rabo inuu guriga ka tago, waxaa caawiya qolada badbaadada carruurta. Amal waxaa loo sheegay, in ilmaha gurigiisa meel u dhaantaa aanay jirin, haddii aanay guriga ka jirin khatar keenaysa in aanu ilmuhu gurigiisa ku noolaan karin. Waxaa la isku raacay oo go’aan lagu gaarey, in Amal aanay hadda u baahnayn caawimada badbaadada carruurta. Wargelin badbaadada carruurta ahna lama samayn ee si arrinku u qaboobo, qoyska ayaa lagula heshiiyey in wadahadal lagula yeesho guriga ammaanka. Wadahadalka caawimada ah ujeedada laga leeyahay waa in, iyadoo la tixgelinayo qofka dhallinyarada ah iyo waalidkaba, la fiicnaysiiyo wax isdhaafsiga hadal ahaaneed ee ka dhexeeya waalidka iyo qofka dhallinyarada ah. Amal way fahantay, in aanay iyadu go’aan ka gaari karin wax walba oo ay samaynayso. Waalidku waxay qirteen, inay ku adkaatay inay ogolaadaan habdhaqanka iyo caadooyinka cusub ee gabadhoodu la timi, hadda wixii ka dambeeyana waxyaabaha adag ee ay gabadhooda ka sugayaan qaar bay iska dhaafi doonaan. Amal iyo waalidku waxay u arkayeen in haddii iskhilaaf kulul yimaado oo arrinku degi waayo, markaas xalka ugu fiican uu yahay inay Amal guriga ka tagto oo xoogaa la soo joogto qoys ay reerka isyaqaannaan. Qoyskan ay reerka isyaqaannaan magaalo kale ayuu deggenaa.

.

Aqri midka xiga

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Hooyadu ma awoodo keligeed

Hooyadu ma awoodo keligeed

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir