Welwelka ay waalidku ka welwelsan yihiin carruurtooda

Muddo gaaban gudeheed ayuu qoysku laba goor guurey aabbe shaqadiisa darteed. Aabbe wuxuu ka shaqaynayey shaqo wakhtiyo kala duduwan ah (vuorotyö), wax badan buuna guriga ka maqnaan jirey. Guuridda uu qoysku guurey darteed wiilka 15 jirka ah waxay noqotay inuu ka tago kooxdii uu yaqaaney ee uu kubbadda cagta u ciyaari jirey. Wiilku wuxuu bilaabay inuu sigaarka cabbo, Sabtiyada iyo Axadahana (vuukonloppu) khamri cabbo. Wiilku wuxuu noqday mid aammusan oo aan arrimihiisa u sheegin waalidkiis. Wiilasha kan ugu yar wuxuu ahaa 6 jir oo hooyo ayaa guriga ku haysey. Wiilku culayskiisu aad buu intii la rabey uga badnaa, mana rabin inuu waxyaabo cusub barto. Wuxuu ku fekeri jirey inuu carruurta kale ka xun yahay oo xitaa ma aanu rabin inuu barto sida baaskiilka loo wado.

Wiilka dhexe wuxuu ahaa 11 jir. Iskuul dhigashadiisu ma fiicnayn. Wiilku ma aanu awoodin inuu waxa la dhiganayo usoo jeesto, inuu wax bartaana way ku adkaatay. Guuridda iyo iskuulkiisii oo uu ka wareegay bay waxay keeneen inay dhibaatooyinku ka sii daraan. Wiilku intuu haddana dagaallamay bay qolada iskuulku la soo xiriireen qoyska. Waalidka loo yeeray inay u yimaadaan macallinka iyo qofka iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshada si looga wadahadlo xaalka jira. Macallinka iyo qofka iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshadu waxay yiraahdeen, waxaa fiicnaan lahayd in wiilka loo diro baaritaanno. Hooyo waxay ku doodday, inay iyadu tahay qofka sida ugu fiican u fahmaya wiilka ula jeedadiisa iyo waxa uu u baahan yahay. Hooyo waxaa laga dhaadhiciyey, in aanay sidaasi ku filnayn, sababtoo ah hooyo mar walba wiilka lama socoto. Ugu dambayntii waalidku way ogolaadeen in wiilka loo diro isbitaal oo lagu sameeyo baaritaanno.

Dhibaatooyinkii sharaxaad baa loo helay

Baaritaannadii la sameeyey baa waxaa lagu ogaaday, inuu wiilku leeyahay cillad horumarka ah oo xarunta dareemada ah oo ah cillad ilaa xad dad badan laga helo. Cilladda magaceedu waa cilladdo isu tegey ee asperger (aspergerin oireyhtymä). Taas bayna ahayd sababta wiilka loogu arkayey inuu dadka kale ka duwan yahay. Sababtaas baana keeneysey, inay ku adkaato in isaga iyo dadka kale si fiican u wada dhaqmaan, si fududna waxaa u dhacaysey in khalad la isu fahmo oo iskhilaaf yimaado. Wiilku dadka wax buu ku dhufan jirey, maadaama aanu awoodin inuu dareenkiisa si kale u muujiyo. Waalidka waxaa loo sheegay in cudurkani aanu lahayn daawo caadi ah, ee wiilku uu hadda u baahan yahay hagitaan badan. Wiilku waa inuu bartaa inuu iskiis wax u qabsado oo uu dareenkiisa muujiyo, isagoo aan feerku ka soo horayn. Qolada isbitaalka ayaa waxay soo jeediyeen, inay wiilka u fiicnaan lahayd inuu in muddo ah ku noolaado guri carruurta lagu hayo oo ay joogaan dad yaqaan sida loo taageero carruurta sidiisa oo kale ah.

Waalidku waxay qirteen, in wakhtiguu wiilku isbitaalka joogey uu ahaa wakhti uu wax ka faa’iidey: markii arrintii dhibka badnayd magac loo yeelay oo la ogaadey waxa keenaya, ayaa waxay noqotay wax xoogaa qalbiga dejiyey. Hase yeeshee waalidku ma aanay fahmin sababta wiilkooda 11 jirka ah ay tahay in la geeyo meel uu ku noolaado oo aan gurigiisa ahayn. Laakiin waalidku waxay ogolaadeen, inay arrinta kala sheekaystaan qolada badbaadada carruurta.

Caawimada badbaadada carruurtu baqdin bay dhalisay

Qofka ah sooshalka badbaadada carruurta ayaa waalidka kula heshiiyey inuu kulan wadatashi ah kula yeesho gurigooda. Maalintaas aabbe shaqo ayuu jirey, hooyana way ku dhici weydey inay albaabka xitaa furto. Hooyo waxay xusuusatay waddankeedii hore, oo ahaa in markay badbaadada carruurtu arrinta shaqo ku soo darsato, waalidku aan loo ogolaan jirin inay go’aan ka gaaraan siduu ilmohoodu ku dambaynayo. Maalintii ku xigtey buu qofka sooshalka ah soo wacay oo weydiiyey, miyaanay hooyo guriga joogin wakhtigii lagu ballamay. Hooyo waxay sheegtay, in aanay wax caawimo ah u baahnayn, telefoonkiina way dhigtay. Muddo qiyaastii laba maalmood ahna telefoonku hadduu dhaco kama aanay jawaabeyn. Hooyo waxaa u yimi qof ay saaxiib yihiin, una sheegay in kulanku yahay wadahadal, kana dhaadhiciyey inay ogolaato in la caawiyo. Markana waxaa lagu kulmayaa xafiiska sooshalka .

Hooyo way ogolaatay, laakiin markay shirka aadey wiilka ma aanay kaxaysan. Waa la wadahadlay, oo xaaladda qoyska ayaa la isla eegay. Waxaa loo baahday kulan kale si hooyo u rumaysato, in iyadoo aan raalli ka ahayn aan ilmaha laga qaadayn, maadaama aanay hadda jiri khatar ilmaha haysa oo degdeg ah. Hooyo way qiratay, inay daashay. Hooyo way faraxday markay aragtay, in qofka sooshalka badbaadada carruurtu uu xiisaynaya qoyska oo dhan xaaladiisa, kana fekerayo sidii loo caawin lahaa labada wiil ee kale. Hooyo waxay kaloo maqashay, inay qoyska oo dhan u dalbi karto fasax kharashkiisa laga caawinayo.

Badbaadada carruurtu qoyska oo dhan bay caawisaa

Qofka sooshalka ah waxaa lagula heshiiyey, in aan wiilka meel kale la geyneyn ee isagoo gurigiisa jooga la taageerayo. Shaqaalaha qoyska ayaa bilaabay inuu si joogto ah guriga u yimaado oo hooyo ka caawiyo inay siday si waxtar leh wax uga qaban lahayd wiilka habdhaqankiisa dhibka lahaa. Wiilku sidiisii hore ayuu u sii watay waxbarashadiisii khaaska ahayd , si tartiib tartiib ah ayuuna iskuulka ugu soo fiicnaanayey. Wiilku wuxuu bartay, inuu dadka kale ula dhaqmo si sidii hore ka fiican.

Xafiiska sooshalka ayaa wiilka weyn ka bixiyey kharashka koox cusub oo kubbadda cagta ah oo uu ku biiray. Wiilka ugu yar wuxuu bilaabay waxbarashada hore. Labo bilood ka dib wiilku wuxuu sheegay, inuu rabo inuu barto sida baaskiilka loo wado, si uu saaxiibadiisa waxbarashada hore ugu raaco safar baaskiil lagu aadayo. Waalidkana qalbigii baa u degey, maadaama ay wiilashoodii oo dhan gurigooda ku haystaan, dhibaatooyinkiina intaanay ka sii darin ka hor xal loo helay. Waalidku waxay go’aan ku gaareen, inay xeraystaan foomka ay ku codsanayaan fasaxa, si waalidkuna ay wakhti isugu helaan.