Skip to content

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Anna waalidkeed mukhaadaraadka ayey si badan u isticmaalaan, gabadhana ma daryeelaan. Badbaadada carruurta waxaa khasab ku noqota inay marar badan gabadha yar guriga ka kaxeeyaan oo geeyaan meel lagu hayo. Xaalku wuu sii xumaaday. Anna aabbeheed baa dhintay, hooyadeedna way ka soo waaqsan (kabsan) weydey. Badbaadada carruurtu waxay Anna u heshay qoys haya. Anna hadda way fiican tahay, hooyadeedna si joogto ah bay ula kulantaa.

""

Anna ammaandaro ayey ku kortay

Anna iyadoo ilmo aad u yar ah bay waalidkeed Finland u soo guureen. Aabbeheed shaqo dhismaha ah buu Finland ka helay. Waalidku markay waddankoodii joogeen shaqo la’aan bay ahaayeen oo waxay aad u isticimaali jireen waxyaabaha mukhaadaraadka ah. Anna aabbeheedna Finland wuxuu lugta ku xirtay dad daroogada isticmaala iyo kala dalaala.

Anna markay 3 jirka ahayd xitaa waxay soo martay marar badan oo si degdeg ah loogu meeleeyey guriga carruurta . Sababta Anna loo meeleyeyna waxay ahayd guriga ayaa waxaa ka dhici jirey xaalado qaylo iyo dagaal leh oo marar badan dhici jirey, deriskana waxaa khasab ku noqon jirtey inay xaalka wax ka qabtaan, sababtoo ah waxay welwel ka qabeen gabadha yar. Xaaladaas ayaana lagu ogaaday in Anna aan si fiican loo daryeelin, oo ay tahay ilmo aad u baqanaya. Qoyska waxaa loo qabanqaabiyo shaqaale sooshal ah oo taageera, waalidkana waxaa lagula taliyey inay caawimo raadsadaan. Hase yeeshee waalidka ma aanay rabin in mukhaadaraadka laga daaweeyo ee waxay sii wadeen mukhaadaraadkii ay isticimaali jireen. Gurigoodii waxaa loo arkay inuu yahay meel aanay Anna nabadgelyo ku heleyn, sidaas darteedna aan Anna laga soo celin karin guriga carruurta lagu hayo oo aan gurigooda dib loogu celin karin.

Anna ma laha guri rasmi ah

Anna markay 4 jir ahayd baa waxaa loo helay qoys Finnish ah oo haya oo qoys ku meelgaar ah . Anna si tartiib tartiib ah bay qoys u baratay. Markii hore qoyska waxay la joogi jirtey Sabtiyada iyo Axadaha, markii dambana qoyskii bay u guurtey oo la degtey. Anna waxaa loo qabanqaabin jirey kulamo loogu talagalay inay iyada iyo waalidkeed ku kulmaan, laakiin aabbuhu ma imaan jirin, hooyadeedna mar mar dhif ah bay imaan jirtey. Anna markay 5 jirsatey buu aabbeheed intuu daroogo badan isticimaalay, dhintay. Markaas ka dib bay Anna hooyadeed dooratay inay is baxnaaniso. Hooyo mukhaadaraadkii ay isticimaali jirtey way joojisey, waxayna sheegtay, inay rabto in Anna guriga dib loogu soo celiyo. Si loo suurogeliyo inay Anna gurigeeda ku soo noqoto, shaqaalaha sooshallada ah baa waxay bilaabeen inay si wadajir ah ula shaqeeyaan qoyska ku meelgaarka ah ee Anna hayey iyo Anna hooyadeed.

Xaalku wuxuu ahaa mid aad culays ugu keenayey Anna iyo hooyadeed iyo qoyska ku meelgaarka ah ee Anna hayeyba. Waxyaabaha dhibka lahaa mid ka mid ah waxay ahayd, in Anna ay ka go’day hooyadeed iyo luuqadeeda hooyaba, oo ay diidey inay ku hadasho xitaa iyadoo fahmaysey. Anna waxay noqotay ilmo adduunkeeda isku soo xirtay oo murugeysan oo aan hadal la sheego ku hadlin. Waalidka ku meelgaarka ah si fiican wax way u gudbin kari waayeen Anna, qoyskooda dhexdiisana waxaa ka bilowday dhibaato. Qoyska ku meelgaarka ah ilmo ay dhaleen oo Anna wax yar ka weynaa baa wuxuu bilaabay inuu yeesho astaamo cilladeed oo Anna ayuu aad uga masayray. Anna waxaa dib loogu celiyey gurigii carruurta ee ay hadda ka hor ku jiri jirtey. Iyadoo guriga carruurta lagu hayo joogta ayaa la sii waday diyaarintii loogu diyaarinayey siday dib ugu noqon lahayd guriga hooyadeed.

Waxaa soo dhowaaday maalintay Anna 6 sano u buuxsami lahayd. Markan Sabtiyada iyo Axadaha iyo wakhtiyada fasaxa ah guriga hooyadeed bay soo joogtaa oo wakhtiga ku qaadataa. Si tartiib tartiib ah ayaa waxaa loo ogaadey, in Anna hooyadeed baratay nin cusub oo khamri badan cabba, gaar ahaan Sabtiyada iyo Axadaha. Ninku markuu sakhraamo wuxuu ahaa mid dagaal ku sameeya Anna hooyadeed iyo mararka qaar xitaa Anna. Anna hooyadeed ma aanay rabin inay joojiso xiriirkay ninka la leedahay ee waxay noqotay inay ka talobaxdo hammigeedi ahaa, inay gabadheedu guriga dib ugu soo noqoto.

Anna waxaa guri nabadgelyo leh looga helay qoys ku meelgaar ah

Shaqaalaha guriga carruurta iyo shaqaalaha badbaadaa carruurtu waxay rabeen in Anna loo helo qoys fiican oo haya, sababtoo ah Anna weli waxay ahayd gabadh yar, inkastoo ay nolosheeda waxyaabo badan soo aragtay oo la soo kulantay. Anna hooyadeed xitaa markan waxay u arkaysey inay Anna u fiican tahay, in loo geeyo oo lagu meeleeyo qoys haya. Hooyadu markan si cad bay u sheegtay, in aanay awoodeedu ku filnayn inay gabadha yar koriso oo arrimaha nolol maalmeedka ka soo baxdo.

Anna markay 6 jirka ahayd bay baratay qoys ku meelgaar ah oo carruurta haya, qoyskii bayna u guurtey oo la degtey. Hooyada qoysku waxay ahayd mid ka timi isla waddanka ay Anna hooyadeed ka timi oo weliba hooyada qoyska iyo Anna hooyadeed xitaa deegaan isu dhow bay ka yimaadeen. Qoysku wuxuu lahaa laba gabdhood oo midina 13 jir tahay, midina 9 jir tahay. Hooyada qoyskuna weligeedba gabdhaha waxay kula hadli jirtey afkeeda hooyo. Hooyada qoyska ku meelgaarka ah isla markiiba xiriir fiican bay la yeelatay Anna iyo hooyadeedba oo iyaduna ku qanacsanayd qoyskan cusub ee gabadheeda lagu meeleeyey. Waxaa iyana soo shaac baxday, in Anna hooyada dhashay hooyadeed joogto waddankoodii, sannadahan oo dhanna aad uga welwelsanayd gabadha yar oo tebi jirtey. Qoyska ku meelgaarka ah waxay bilaabeen inay markay safar ku aadaan waddankoodii si ay qaraabadooda ula soo kulmaan, ay isla markaasna u tegaan Anna ayeeydeed.

Anna si joogto ah bay hooyadeed ula kulantaa

Hadda Anna waa gabadh 10 jir ah oo iskuulley firfircoon ah. Labo luuqadood bay si fiican ugu hadashaa. Inkastoo kulamadu aanay mararka qaar u hirgelin sidii loogu talagalay, haddana Anna muhiim bay u yihiin kulamada ay hooyadeed la kullanto.

Anna waxay hadda leedahay saddex ayeeyo: mid Finland joogta iyo labo ayeeyo oo waddankeedii jooga. Shaqaalaha sooshallada ah waxay ku qiyaaseen in luuqadda ka dhaxaysa ee ay isku afgartaan Anna iyo hooyada qoyska ku meelgaarka ah iyo carruurta qoysku, ay caawisay markii Anna lagala hadlay waxyaabaha ay soo martay iyo waxyaabaha ay dareemeyso. Luuqadda ka dhaxaysa ee la isku afgartaa waxay iyana fududaysay, in wadashaqayn la isla dhiso dadka qaraabada u ah Anna hooyadeed.

Aqri midka xiga

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan

Hooyadu ma awoodo keligeed

Hooyadu ma awoodo keligeed

Dagaalka qoyska

Dagaalka qoyska

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir