Skip to content

Dagaalka qoyska

Qoys ka kooban afar ruux ayaa dagaal ba’an ka dhex dhacey, taasina waxay sababtey in deriskii ugu yeeraan booliis. Arrinkii markii la dhex galey xaaladii wey degtey. Dagaalkii denbe ayaa ahaa mid qatar leh: Aabe ayaa yed ku dhuftey hooyadii iyo carruurtii kadibna waxay u carareen hoyga amniga. Dhibaatadu sidey tahayba reerku waxay diyaar u ahaayeen in la xaliyo arrinka. Aabihii waxaa loo fideyey caawimo la siiyo raga awooda sheegta, wuxuuna bartey in arrinka waxaan dagaal aheyn uu ku xaliyo. Wadahadlkii lala sameeyey waalidkii iney  arrimahooda xalistaan.

""

Laqabsashadu ma aha wax sahlan

Qoysku wuxuu ka kooban yahay waalid, gabar 3 jir iyo wiil 9 jir ah. Qoysku waxay Finland usoo guureen labo sano kahor, balse iney la qabsadaan ayaa ku adkaatey. Dareenka dabeecadeed ee qoyskuna mararka qaar wuu adkaa. Luuqada finnishkuna wey ku adkeyd iyo dhibaato xaga dhaqaalaha oo qoyska heysatey. Aabuhu wuxuu ahaa shaqo la’aan, taasoo waagii hore ku maareyn jirey nolosha qoyskiisa.

Dagaalkii oo sii xumaadey

Maalin maalamaha kamida ayaa reerkii dagaal xoogan dhexmarey. Gurigii reerka ayaa qablan iyo qeylo ka yeertey. Deriskii ayaa wacey booliiska kadibna waxaa yimid booliiska gurigii oo xaqiijiyey xaaladii. Dagaalkii reerkana waa la xasiliyey, booliiskiina arrinkii waxay ku wargeliyeen badbaadadda carruurta.

Waalidkii iyo carruurtiiba waxaa looga yeerey xafiiska arrimaha bulshada si ay ula kulmaan sooshalka. Kulankaas waxaa ujeedkiisa ahaa kawada hadalka waxa sababey dagaalka. Waalidku ma aheyn kuwo u bartey kala sheekeysiga arrimahooda masuuliyiinta waxay sheegeen in waxwalba yihiin caadi dagaalkuna ma aheyn mid laysku gacan qaadey. Waxay sheegeen oo keliya in lacagtu ku filnaan la’dahay kuna adkaatey iney shaqo helaan. Waalidkii waxaa la siiyey heeganka arrimaha bulshada iyo guri amniyeedka teleefon lambarkooda haddii ayba dhacdo in markale xaalad dagaal abuuranto ama talo faro ka baxdo.

Waxbaa laga qabtaa dagaalka qoyska waxayna hei karaan caawimo

Xaalada qoysku wakhti yar wey xasilneyd, balse muddo yar kadib dhibaatadii ayaa dib u bilaabatey. Dhaqaalihii oo cirriiri galey lacagtii oo xitaa ku filnaan weysey adeegii raashinka. Maalin maalmaha kamida ayuu aabihii caroodey oo u yed qaadey xaaskii iyo wiilkiisa. Hooyadii iyo carruurtiiba way ka carareen gurigii waxayna deriskii ka codsadeen iney u wacaan hoy amniyeedka.

Hooyadii iyo carruurtiiba waxay aadeen hoyga amniga, halkaasooy xasilooni iyo nasiinaba ku heleen. Shaqaalihii hoyga amniga ayaa la xiriirey shaqaalaha badbaadadda carruurta si ay wax uga weydiiyaan xaalada qoyska kana fikiraan sidii lagu caawin lahaa qoyska. Dagaalka gacan qaadka waxaa lagala hadley waalidka, sidoo kalena carruurtana si gaara ayaa loogu sheegey, in ay tahay masuuliyad saaran shaqaalaha dowlada iney arrinkan wax ka qabtaan haddii carruurta ama xaaska gacan qaad loogeysto Gacan qaadkuna yahay faldenbi Finland, carruurtana in la cinqaabo ama la xanuujiyo waa mamnuuc.

Wadahalka kadib aabihii wuxuu la kulmay aabayaasha gacan qaada shaqaalaha qaabilsan kaasoo ah shaqaale u leh aqoonta kana socda hay’ad. Waxaa loo qabtey kulamo is xigxiga taasoo aqoonyahanku ka caawinayo siduu u fahmi lahaa si wanaagsan habdhaqameedkiisa iyo waxa sababaya. Wuxuu si tartiiba u fahmayaa fursadaha kalee jiro ee uu ku xalin karo arrinka isagoon u baahneyn inuu awood sheegto.

Kulanka qoyska iyo badbaadadda carruurta waxay socotey billooyin. Hooyaddii iyo carruurtii waxay heleen caawimo muuqata sidey arrimahooda u xalisan lahaayeen. Hooyadii waxaa laga caawiyey iney heshey koorso barashada afka finnishka. Waalidkii waxaa laga caawiyey sidey xannaano ugu dalbi lahaayeen cunuga ugu yaraa reerka iyo wiilka 9 jirka ahna siduu ku heli lahaa hiwaayad. Wiilkii wuxuu rabey inuu ciyaaro kubada cagta, shaqaalaha arrimaha bulshada ayaa ka caawiyey dhaqaalaha kharashka hiwaayada. Aabihiina wuxuu sii joogteeyey kulamadii horrintii raga gacan qaadayaasha, wuxuuna bilaabey koorso lagu shaqaaloobo.

 

Aqri midka xiga

Da’yar dhiban

Da’yar dhiban

Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka

Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Ilmuhu ma laha guri rasmi ah

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir