Skip to content

Adeega  bulshada qoysaska carruurleyda

Ilmaha iyo qoyskaba waxay adeega bulshada macmiil ka ahaanshaheeda heli karaan caawimo iyo kaalmooyin kala duwan oo adeega bulshada ah:

""

Adeeg guriyeedka qoysaska carruurleyda

Qoysaska carruurleyda waxay xaq ugu leeyihiin si kumeel gaar ah iney degmadooda ka helaan Adeeg guriyeed iyadoon loo baahneyn iney macmiil ka noqdaan badbaadadda carruurta. Adeeg guriyeedka waa suurogal inaad hesho, sida Qoyskii oo culeys soo wajahey, jiro, fool, ama dhaawac dartiis. Waa wax la qorsheeyey iyo caawimo markaas loo baahan yahay, kaalmo iyo talosiin nolol maalmeedka qoyska, daryeelka ilmaha, iyo howlaha la xiriira guriga. Adeeg guriyeedka loolama jeedo naadaf/xaaqinta guriga isbuuc walba , maalin walboo la daryeelayo carruurta, ee ujeedku waa in ka gudbista wakhtiga adag. Adeeg guriyeedka waxaad ka heli kartaa degmadaada hadba dhaqaaluhu siduu yahay..

Caawimada shaqo ee qoska oo toos guriga loogu keenayo

Shaqo qoyseedku waxay noqon kartaa wadahadal, talooyin iyo taageero waalidka lagu taageerayo hawshooda barbaarinta ah.  Waxay noqon kartaa qoyska oo laga taageerayo hawlaha maalin walba jira, sida arrimaha meelo kale laga soo dhammaynayo ama hawlaha guriga dhexdiisa laga qabanayo, amaba waxay noqon kartaa in qoyska loo qabanqaabiyo waxqabad taageeraya ladnaanshaha ilmaha.

Qof taageere ah am qoys taageere ah

Ilmuhu ama qoysku wuxuu heli karaa qof taageere ah ama qoys taageere ah. Qofka taageeraha ah waa qof qaangaar ah oo ilmaha ka caawiya, sida laylisyada iskuulka ama u raaca hiwaayadaha (harrastukset). Qoyska taageeraha ah waa qoys caadi ah oo uu ilmuhu ugu tegi karo hadba sida lagu heshiiyey, tusaale ahaan Sabtiyada iyo Axadaha. Qoysaska taageerayaasha ah iyo dadka taageerayaasha ah waa loo tababaraa shaqadooda.

Rugta barbaarinta iyo talosiinta qoysaska

Mararka  qaar waxaa keeni kara walwel habdhaqanka ama koboca ilmaha. Ilmaha waxaa suurogal ah in caqabad dhanka barbaarinta, waxbarashada iskuulka ama asxaabta dhankooda ay dhibaato ka timaato. Markaa waxaad la xiriirta. rugta dhalaanka iyo hooyooyinka dhankooda.  Halkaas waxaad ka heli kartaa caawimo sidoo kale ku aadan is maandhaafka waalidka xal u helistooda iyo walaaca furriinka.

Rugta barnaarinta iyo talosiinta qoysaska waxay kaa caawinayaan baraarinta ubadka iyo kobaca da’yarta, waalidnimada iyo weliba xiriirka labada waalid dhexdooda. Rugta barnaarinta iyo talosiinta qoysaska waxaa ka howlgala xirfadley kala duwan: cilminafsi, shaqaale sooshal, dhakhaatiir, baxnaaniyaha hadalka iyo baxnaaniyaha qoyska.

Dhexdhexaadinta arrimaha qoyska

Dhexdhexaadinta arrimaha qoyska waxaad ka codsan kartaa kaalmo, haddii xubnaha qoyska ay ku adkaato ka heshiinta ismaandhaafka. Inta badan sababta waanwaantu waa qatarta furriinka. Arrimaha qoyska heshiisiintooda waa mid aan qasab aheyn, balse xubnaha qoyskoo dhan wey ka qeybqaadan karaa ama mid kamida xubnaha qoyska.

Dhexdhexaadinta arrrimaha qoysku waxaa iinta badan qabta rugta barbaarinta iyo arrimaha qoysaska, laakiin gobolka adeega meel kale waa kasoo iibin kara.

Waxqabadka kooxda isu dhiganta

Waxqabadka kooxda isu dhiganta (vertaisryhmätoiminta) macneheedu waa kooxo la tegi karo oo dad aad isku xaalad ku sugan tihiin baad arrimaha kala sheekaysanaysaa. Waalidiinta ajaaniibta inta badan ehelkooda iyo asxaabtooduba waa kuwo meel ka fog ku nool, sidaa darteed naadiyada iyo horimaha kala duduwan baa dadka lagula kulmi karaa. Sida caadiga ah naadiyada iyo kooxaha waxaa ka jira waxqabad, oo iyadoo la samaynayo cunto, ama shaqooyin gacanta ah ama fasax ka sheekeysi iyo isbarasho.

Adeegyada daryeelka iyo terabiga

Ilmahu waa waajib in loo qabanqaabiyo adeeg kaalmo daryeel baxnaanin iyo terbiya, haddii uu markaa u baahan yahay. Haddii ilmuhu ku adag tahay waxbarashada, cilminafsiga iskuulka iyo shaqaalaha u qaabilsan iskuulka arrimaha bulshada ayaa markaa ku hagi kara ilmihii halka uu ka heli adeegyadaas uu  baahan yahay.

 

 

 

Aqri midka xiga

Macmiilnimada daryeelka bulshada

Macmiilnimada daryeelka bulshada

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir