Skip to content

Macmiilnimada daryeelka bulshada

Sosiaalihuollon tai lastensuojelun billaabashada macmiilnimo ee badbaadadda carruurta ama daryeelka arrimaha bulsha inta badan, waa iyadoo waalidka ama ilmuhu la soo xiriiro isla markaana weydiista caawin. Sidoo kale aqoonyahanada, iskuulka iyo xannaanooyinka iyagoo la kaashanaya waalidka voivat ottaa la soo xiriiraan sosiaalihuollon shaqaalaha daryeelka arrimaha bulshada, si loogu sameeyo qiimeyn baahida kaalmo ee ilmaha iyo waalidka.

""

Arinku waa ka billaaban karaa xitaa soo wargelinta badbaadadda carruurta. Soo wargelinta badbaadadda carruurta waxaa sameyn kara cid kasta, kaasoo ka walwelsan ladnaansha ilmaha wuuna soo wargelin karaa isagoon sheegin magaciisa..

Waa waajib in, shaqaalaha ku howlan arrimaha carruurta ay sameyaan wargelin badbaadadda carruurta, haddii ay ka shakiyaan in ay khatar ku jirto kobaca iyo barbaarinta ilmaha. Inta badan aqoonyahanadu waxay marka hore la sheekeystaan qoyska. Sidoo kale booliiska wuu sameyn karaa wargelinta badbaadadda carruurta, haddii ilmaha aan qaangaarin uu sameeyo faldenbi, isticmaalo muqaadaraad ama ay jirto xaalad dagaal oo qoyska.

Maxay yihiin sababaha aad ugu baahan karto kaalmo?

· Xaalada qoyska oo ku timi isbedel weyn, taasoo saameyn ku yeelatey guud ahaan nolosha

· Waalidkii oo daaley, dhibaato nafsiyan, qalbi jab ama jirooyin.

· Waalidka oo badi ama inta badan isticmaala muqaadaraad.

· Qoyska oo dagaalkoodu badan yahay.

· Ilmihii ama da’yartii, oo sameynaya waxyaabo khatar ku ah isaga ama waxyeelo; isagoo si xad dhaaf ah u isticmaalaya mukhaadaraad, sameyna faldenbi ama dhigan waayey iskuulka.

· Ilmihii oo masuuliyad ka weyn oo nolol maalmeedka reerka loo dhiibey tusaale waalidkii oo xanuunsan darteed.

MAxaa kaaga imaan kara lasoo xiriirsta ama wargelinta

Shaqaalaha daryeelka arrimaha bulshada ayaa si foojigan u qiimeynaya wargelin iyo la soo xiriiris kastaba inta badana markaa kadib qiimeyn ku sameeysa xaalada qoyska iyo carruurtii, si ay ahaataba xaaladu qiimeynta wey ahaan hadba siduu qabo daryeelka bulshada qiimeyn baahida adeega ama xaqiijin baahi badbaadadda carruurta.

Inta badan shaqaalaha ayaa la xiriira reerka waxaana loogu yeeraa waalidkii iyo carruurtiiba wada hadal arrinka ah. Qiimeynta reerka iyo carruurta kulamadooda waxaa lagu kulmaa inta badan xafiiska arrimaha bulshada, xannaanada, iskuulka ama gurka reerka, waxaana markaa suurogal ah in turjubaana la adeegsado. Kulamada inta badana waxaa looga wada hadalaa, sababta wargelinta loo sameeyey iyo qaabka loo caawin karo sidii loo yeeli lahaa. Xiliga xaqiijintu socotana shaqaalaha wuxuu la kulmi doonaa dhowr jeer iyadoon waalidku la socon.

Xaqiijinta xaalada qoyska iyo ilmahana waxaa loo sameynayaa si baaxadeysan ilaa iyo intii loo baahdo. Haddii reerku rabaan, wada shaqeyn way kala soo qeybgeli karaan kuwa kalee ah xigtada iyo qaraabada ilmaha.

Xaqiijintaasi waxay keeni kartaa iney bilaabato macmiilnimada daryeelka bulshada ama badbaadadda carruurta.

Haddii reerka iyo ilmuhuba kaga faa’iideysanayaa adeega daryeelka arrimaha bulshada iyo kaalmada, laakiin aysan u baahneyn badbaadadda carruurta adeegooda, waxaa loo sameynayaa shaqaale u qaas ah intii xiligaas ah, ee ay macmiilka ka yihiin daryeelka arrimaha bulshada. Macmiilnimada daryeelka arrimaha bulshada qasab ma aha.

Haddii ilmuhu iyo qoyskuba xaaladoodu tahay mid kaalmo iyo caawin uga baahan badbaadadda carruurta, waxaa markaa ilmihii u billaabanaya macmiilnimada badbaadadda carruurta. Markaasna waxaa loo magacaabaa arrimahiisa shaqaale arrimaha bulshada u gaara. Haddii qiimeynta baahida adeega ama xaqiijinta baahida badbaadadda carruurta ay ku timaado wallaac shaqaalaha xaalada ilmaha, macmiilnimada badbaadadda carruurta wey ku billaaban kartaa xaaladaas, haddii ay markaas ilmihii iyo waalidkiiba u arag ineysan jirin wax muhiim ah.

Daryeelka arrimaha bulshada iyo badbaadinta carruurta macmiilnimadooda kuma billaabato, haddii natiijatada xaqiijintu aysan jirin wx wallaac ah, qoyskii carruurtiina aysan caawimo u baahneyn.

Macmiil ka noqoshada daryeelka bulshada markey bilaabaneyso qoyskii iyo ilmihiiba waxaa laga caawinayaa tusaale in talosiin iyo tusmeynba, kaalmo dhaqaale , adeeg guri, shaqo qoyseedka iyo qof caawiye ah ama qoys caawiya ah kana caawiya arrimaha nolol maalmeedka la xiriira, sida jadwalka habeen iyo maalinba, jiifka, cunteynta arrimaha la xiriira iyo weliba barbaarinta ilmaha hadba faca uu yahay iyo caqabadaha da’da. Haddii ilmihii feyl looga furo badbaadadda carruurta macmiilnimadaas waxaa ilmihii iyo waalidkiiba laga caawinayaa si dhow oo joogta Xog dheeriya kaalmada ay bixiyaan badbaadadda carruurta beejka mudnaanya hore iney tahay daryeelka furan.

 

 

 

Aqri midka xiga

Adeega  bulshada qoysaska carruurleyda

Adeega bulshada qoysaska carruurleyda

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir