Skip to content

Mudnaanta hore waa daryeelka furan

Ujeedka badbaadadda carruurta waxay tahay ka caawinta waalidka barbaarinta ilmaha iyo daryeelkooda. Sidaa darteed ayaa leysugu dayayaa in had iyo goor reerka la caawiyo ugu horeyntiina sida ugu fudud, taasoo lagu magacaabo ka caawiyayaasha daryeelka furan.

Waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan khasab ma aha, mar walbana waxay ku salaysan yihiin wadashaqayn lala yeesho qoyska. Shaqada badbaadada carruurta inteeda badan waxaaba la fuliyaa iyadoo ah waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan.

""

Haddii xaqiijinta kadib la go’aamiyo in, carruurtii iyo qoyskuba u baahan yihiin caawimo, waxaa loo sameeyaa qorsheyn, taasoo la qori doonana meelaha ay caawimad uga baahan yihiin iyo nuuca caawimada la siinayo tahay. Qorshahaasna wa la daabici doonaa waxaana lagu magacaabaa qorsheynta macmiilka.

Qorshaha macaamiisha had iyo goor qorsheynta macmiilka sameynteeda waxaa lala sameeyaa carruurta iyo qoyska. Qorsheyntana waa la cusbooneysiiya haddii loo baahdo ugu yaraan mar sanadkii. Cusbooneysiinta waxaa la eegaa wixii lagu heshiiyey, shaqada la qabteyse ma aheyd mid caawisey.

Howlaha kaalmo ee daryeelka furan

Ilmahai yo qoyska macaamiisha ka ah badbaadadda carruurta wey heli karaan adeegyada horey loo soo sheegey adeega arrimaha bulshada ee reeraha ilmoyleyda ah, laakiin intaa waxaa dheer in loo sameyn karo  howlaha kaalmo ee daryeelka furan, kuwaasoo ahaan kara tusaale:

  • Daryeelo kala duwan iyo adeegyo baxnaanin
  • Shaqo qoyseedka badbaadadda carruurta oo la xoojiyo
  • kaalmo dhaqaale
  • baxnaanin qoyska
  • wakhti gaaban oo ilmihii lagu meeleeyo howlaha kaalmo ee adeega furan

Baxnaaninta aasaasiga waa mida lagu baxnaaniyo xarunta waana baxnaanin qoyskoo dhan. Wey ahaan kartaa mid maalin iyo habeenba ama maalinamada.  Baxnaaninta wey ahaan kartaa tusaale muqaadaraadka ama xarun baxnaanin kale oo taqasus ah ama baxnaanin qoys. Ujeedada baxnaanintuna waa badbaadinta barbaarinta ilmaha, kaalmeynta waalidka qaabkey u barbaarin lahaayeen, iyo dhiirigelinta sidey karti dheeriya ugu yeelan lahaayeen.

Ku meeleynta ku meelgaarka gaaban waa xal wadajir ah

Markay xaalad adag jirto waxaa la samayn karaa, in ilmaha ama qoyska oo dhan gurigooda laga kaxeeyo oo wakhti gaaban lagu meeleeyo meel kale, taas oo ah waxqabad taageero oo daryeelka furan ah. Ku meeleynta daryeelka furan mana aha qasab.

ilmaha wakhti gaaban baa la meelayn karaa, Haddey xaaladdu si dhakhso ah u hagaagayso. Tusaale ahaan, hadday waalidka iyo qofka dhallinyarada ah isku xumaadaan oo xaalkoodu gaaro heer aanay suuragal ahayn inay meel ku wada noolaadaan, markaas qofka dhallinyarada ah waxaa loo soo jeedin karaa, inuu wakhti xoogaa ah ku noolaado meel kale oo aan guriga waalidkiis ahayn. Waalidku iyagaa weli go’aan ka gaaraya ilmaha daryeelkiisa iyo arrimihiisa oo dhan. Dhibaatooyin xagga mukhaadaraadka ama dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ah dartood waxaa dhici karta in waalidku xitaa leeyahay wakhti muddo ah oo baxnaanin ah, markaas oo kale waxaa dhici karta inuu qoyska oo dhan si ku meelgaar ah ugu guuro meesha waalidka lxiliga baxnaaninta. Haddii loo baahdana wakhtigaas ku meeleynta ku meelgaarka ee waxqabadyada taageerada ee daryeelka furan deg-deg ayaa loo sameyn karaai.

 

 

 

Aqri midka xiga

Meeleynta meelgaarka ah

Meeleynta meelgaarka ah

Daryeelka danbe

Daryeelka danbe

Siyaabaha sugida xaquuqda

Siyaabaha sugida xaquuqda

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir