Skip to content

Masuuliyadda Ilmaha

Finland ilmo kastaa wuxuu leeyahay masuul/waalid, kuwaasoo leh go’aanka arrimaha ilmaha masuulna ka ah daryeelkooda. Masuulku inta badan waxaa ah waalidka la dhaley ilmaha, balse haddii loo baahdo waxaa loo sameyn karaa ruux kale ooka masuul ah.

""

Finland ilmuhu waa yeelan karaa labo hooyo, haddii ilmahaasu ku abuurmey qaab bacrimin ah. Dowladuna wey u diiwan gelin kartaa hooyada kale, haddii markaa labada hooyo ogollaansho laga hayo.

Masuuiyadda macnaheeda waxaa loola jeedaa go’aan ka gaaridda arrimaha ilmaha. Qofka ilmaha masuulka ka ah wuxuu u xilsaaran yahay ilmaha daryeelkiisa, barbaarintiisa, ilaalintiisa iyo waxyaabaha kale ee dhaqaalaynta ilmaha ah. Qofka ilmaha masuulka ka ah oo keliya ayaa xaq u leh inuu shaqaalaha maamulka ee kala duduwan ka helo wararka ku saabsan ilmaha. Labada waalidba masuul bay ka noqonayaan ilmaha dhasha iyadoo la isqabo. Haddii iyadoo sidii wax isqaba oo kale loo wada nool yahay ilmo dhasho, hooyada oo keliya ayaa ilmaha masuul ka ah, haddii aanay waalid si kale ku heshiin. Markaas waxay noqonaysaa in si gaar ah loo ansixiyo qofka ilmaha aabbaha u ah.

haddii khatar aad ah gasho kobaca ilmaha waxaa markaa la qaataa go’aan ah in lala wareego ilmihii, balse masuuliyaddii lagama wareejinayo waalidkii. Balse qeyb ka mid ah awoodii go’aamada qaar ayaa ku wareegaya sooshalka. Haddii isku dhac jiro waxaa la qiimeyaa inta badan arrinka hadba sida uu yahay.  Ka fiiri oo ka hubso la wareegista carruurta beejka daryeelka ku meelgaarka.

 

 

 

Howsha waalidka

Howsha waalidku waa mid ku xusan dastuurka. Howsha waalidkuna waa ilaalinta fayodhowrka ilmaha iyo dheelitirka kobaciisa. Sidoo kale waxa sharciga ku xusan baahiyaha gaarka ee ilmahai yo xiriirka dadyowga ehelkiisa ah. Waalidku waa iney ka fikiraan go’ankooda siduu saameyn ugu yeelanayo waxyaabahan oo dhan. Waaliskuna waa inuu mudnaan siiyaa ilamaha fikirkooda iyo rabitaankooda islamar ahaantaasna la wadaagaa wixii go’aan ah saameyn kuyeelanaya nolosha ilmaha.

Aqri midka xiga

Barbaarinta wanaagsan

Barbaarinta wanaagsan

Isu gacan qaadka qoyska

Isu gacan qaadka qoyska

Dhaqanka waxyeelada

Dhaqanka waxyeelada

Eraybixin

Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.

Eraybixin

Xir